Ereyga Maanta: dhiifoonaan
tamminid  ld temminid.
tammooti  Neef aan fayoobeen oo cudur dhimanaya oo la qasho.
tammuujad  Bastoolad.
tamuumid  eeg tamuun.
tamuun  Meel abbaarid.
tamuunsii  Cid meel ku toosin.
tamuunsiin  eeg tamuunsii.
tamuux  Carro shawle ah oo aan habaas lahayn sida tan xeebta; xaano; xaani.
tan1  1. Culays dhan 1000 kg. 2. Mug. tan2  (kuwan, w) Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka ha-dlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “Tan meesha fadhidaa waa walaashay”. tan3  Dibkabe tilmaame oo magac dheddig dib looga qodbo oo wax qofka hadlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tus. “Tintan tayda ma aha”. tan4  Ilaa; T. ama taniyo: mar laga bilaabo; jeer laga gaaro. Tus. “Tan iyo intii uu halkaan yimid wuu bukay”. tanaad1  Qof hanti badan leh. tanaad2  Qof hanti badan yeelasho. tanaadi  Cid tanaad ka dhigid.
tanaadid  eeg tanaad².
tanaadin  eeg tanaadi.
tanaasul  Ka t.: cid arrin ay damacsanayd dib uga noqosho.
tanaasulid  eeg tanaasul.
taniyo  Ilaa; tan³.
tanjent  1. (xis.) Fansaar tirignoometari ee xagal. Tanjentka xagasha + e saddexagal qumman waa saamiga ay sammeeyaan dhererrada dhinaca horjeedaha ah iyo kan deriska la ah xagasha. Qeexdani waxa lagu dabbaqaa xaglaha u dhexeya 0 iyo 90° oo keliya. 2. (xis.) Guud ahaan, mark a laga hadlaayo kulannada kaartis oo unuygu yahay o, tanjentku waa xagasha u dhexeey-sa dhidibka-x iyo xarriiqda oB oo ay sammeeyaan kulanka-x iyo kulanka-y ee barta B (x,y).
tannaago  Hadal lagu dheeraysto si cid meel fog joogta loo maqalsiiyo; tayaago. ld tannaagood.
tannaagoo  Cid meel fog joogta cod dheer kula hadlid. ld tayaago, tayaaqoo.
tannaagood  eeg tannaagoo. ld tayaago, tayaagood, tayaaqood.
tantoomid  eeg tantoon. ld tantoonyeyn, tatoomid, tatoonyeyn.
tantoomo  Shanta farood iyo calaacasha gacanta oo duuban oo wax lagu dhufto iyadoo gacantu soo laabmayso. ld tan-toonyo, tatoomo, tatoonyo.
tantoon  Cid tantoonyo ku dhufasho. ld tantoonyee, tatoon, tatoonyee.
tantoonyee  ld tantoon.
tantoonyeyn  ld tantoomid.
tantoonyo  ld tantoomo.
page : 20 of 60
<< < 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 > >>