Ereyga Maanta: bedertami
tamar socod  Summad: Ek. Tamarta ay walaxi ku kasbatay socodka ay ku jirto, le'egna hawsha ay qaban karto, marka walaxda la joojiyo. Waxaa lagu helaa isle'egtan. Ek = 1/2 mv2, taasoo m-ay tahay cufka walaxda; v-ay tahay xawaaraha walaxda.
tamar xor ah  (fiis.) Cabbir loo adeegsado awoodda hab ku samayn karo shaqo waxtar leh.
tamar-bu'eed  (fiis.) Tamarta la sii daayo, marka uu dhaco ama dhanballan bu'eed ama isudheg bu'eed.
tamar-dabareed  (fiis.) Tamarta la bixiyo marka dabar elektaroon-wadaag ihi ka dhex samaysmo laba atam oo madax bannaan.
tamar-isuhayn  (fiis.) Tamar le'eg iin cufaadka bu'da, ee ay bu'du bixiso, marka uu dhanballan ku dhaco (eeg iin cufaad).
tamar-kaah  (fiis.) T. k.inta birlabdanabeed ee dhexmari karta dululaati aan maatar lahayn.
tamar-keyd  (fiis.) Summad: Ep. Tamarta ku keydsantay walax, uguna wacantahay meesha ay taalo, waxaana ay le'egtahay hawsha ku baxday walax ka dhaqaajinta bar beegaal (sida oogada dhulka) ilaa meesha ay hadda taallo. Waxaa lagu helaa Ep = mgh.
tamar-kicin  (fiis.) Tamarta ugu yar ee saxar, molikiyuul, iwm uu hanto ka hor inta aanu falgelin waa tamarta loo baahanyahay si falgal u bilowdo iyada oo aan la tixgelineyn in falgalku yahay kul qaate ama kul bixiye waxaa lagu asteeyaa summadda E.
tamar-qorraxeed  (fiis.) Tamar birlabdanabeedka ka soo kaahda qorraxda.
tamaro  ld tabar.
tamashle  Lugabbaxsi; manjabbaxsi.
tamashlee  1. Socod raaxaysi leh meel aan fogayn ku tegid. 2. Safar dalxiis ah meel dheer ku tegid.
tamashleyn  eeg tamashlee. ld tama-shleys.
tamashleys  ld tamashleyn.
tambal  1. T. ah: qof nacas ah. 2. T. ah: qof aad u tabar yar.
tamcaar1  ld tacdaar¹. tamcaar2  ld tacdaar². tamcaarasho  ld tacdaarasho.
tamcaarid  ld tacdaarid.
tamcaaro  ld tacdaaro.
tamiin1  Mar; kol. ld tamin. tamiin2  Tiro isdhaaf ah oo loo istic-maalo faalka. tamiino  ld tabiino.
tamin  ld tamiin¹.
tammadi  Qof ama wax kale oo astaamo ama tilmaamo gaar ah leh, calaamaysasho, soo aadid, ku soo aroorid, u qasdid; ku hirasho; abbaarid.
tammadin  eeg tammadi.
tammiin  ld tabiino.
tammiino  ld tabiino.
tammin1  ld temmin¹. tammin2  ld temmin².
page : 19 of 60
<< < 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 > >>