Ereyga Maanta: dhiifoonaan
taraanturyayn  ld taraanturrayn.
taraanturyee  ld taraanturree.
taraar1  1. Bowd si aad ah ood loogu adkeeyay. 2. Jibaax; jiiris. 3. ld taraarid. taraar2  Wax si xoog ah meel u jiirid; u jibaaxid, u dardarid. taraarax1  ld taraaraxid. taraarax2  1. Sidbasho. 2. Wax xadkoodii dhaafid. taraaraxid  eeg taraarax². ld taraa-rax¹.
taraaraysasho  eeg taraarayso. ld taraaraysi.
taraaraysi  ld taraaraysasho.
taraarayso  Haween uur leh taraare samaysasho.
taraare  Duco dumarka uurka lihi marka sidkoodu soo dhawaado samaystaan.
taraarid  eeg taraar². ld taraar¹.
taraarsii  Meel ciriiri ah wax xoog ku marsiin; jiirsiin.
taraarsiin  eeg taraarsii.
taraawiix  (dii.) Salaad ka kooban siddeeed ama kow iyo labaatan ragcadood oo la dukado cishaha kaddib xilliga soonka.
taraawil  Waran yar oo af dhuuban oo riddada iyo lishaabka lagu barto.
tarabtarab  Koox koox nafley ah. Tus. “Arigii yeydu tarabtarab bay u leysay”.
taraddamid  eeg taraddan². ld tarad-dan¹.
taraddan1  ld taraddamid. taraddan2  Labalaaboodin, walaacid. tarakooma  (daaw.) Cudur indheed muddo dheer oo la isqaadsiiyo: nooc daran ee infekshinka xoobka indhaha oo uu keeno jermi u dhexeeya fiiruska iyo baktiiriyada oo la yirahdo “chlamydia trachomatis” cudurka wuxu ku badanyahay dalalka kulul.
taran1  ld tarmid. taran2  1. Miro dalag la kariyey badasho. 2. Nafley is dhashay tiradeeda badasho. taran badan  (kiim.) Iskudhis ka kooban molikuyuullo aad u waaweyn oo ka samaysmay xubno molikuyuuleed oo soo noqnoqday (tarmiyeyaal). Taran badanya-du sida caadiga ah ma laha cuf molikuyuul go'an.
taran talantaalli ah  1. (baay.) Meerta nooleed noole, taas oo taranku uu dhaco si talantaalli ah fac walba isaga oo marna u dhaca taran jinsi ah, marka kalena taran jinsilaawe ah. Tus. “Soolantaraata”. 2. (baay.) Ka dhicidda ay ka dhacayaan meerta nololeedka noole dhexdiisa laba ama in ka badan oo qaabab gooni ah, kuwaas oo ku kala duwan muuqaalka, sabada iyo habka taranka.
taran-foolwaa  (xis.) Taranka laba leeb oo marka la isku dhufto ku siiya foolwaa. Taranka foolwaa ee leebabka A iyo B waxa lagu qeexaa A.B=AB cos theta. Taas oo A iyo B ay yihiin laxaadyada A iyo B, theta-na ay tahay xagasha u dhexeysa labada leeb.
taran-jinsi  (baay.) Qaab taran ah oo ku yimaaddo isku beddelka laba unug taran ee dariiqadda bacriminta. Caadi ahaan, gaar ahaan xayawaanku, waxay u baahanyihiin laba waalid, mid lab iyo mid dheddig.
taran-leeb  (xis.) Taranka laba leeb oo ku siiya leeb saddexaad. Taranka labada leeb A iyo B waxa loo qoraa AxB, waa leeb laxaaddiisu yahay A B sin theta, taas oo A iyo B ay yihiin laxaadyada A iyo B, theta-na tahay xagasha u dhexeysa A iyo B. Jihada taranka leebka waxa uu ku yahay xaglo qumman leebabka A iyo B.
taran-tallaal  (baay.) Qaab taran jinsila'oo ka dhaca dhirta, halkaas oo ay ka samaysmaan dhismayaal gaar ah oo unugyo badanley ah, kuwaas oo harka dambena ka go'a waalidkood. Tus. “Tuyuubar iyo balbka”.
tarandac  1. Wax culus ama dhergey oo hadba doc u liicaya, u janjeersanaya. 2. T. ah: qof hanti badan leh oo ku nool nolol raaxo leh.
page : 22 of 60
<< < 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 > >>