loodsanaan1 eeg loodsan². ld loodsanaansho. loodsanaan2 (fiis.) Astaanta walxaha qaarkood u oggolaata in ay ku noqdaan qaabkoodii salka ahaa marka laga qaado xooggii qaabka walaxda dooriyey. loodsanaansho ld loodsanaan.
loof1 1. Harraad badan. 2. Lahan; laxaw. loof2 Nafley aad u harraadid. loofar1 Nin maalka si xun u isticmaala ee aan dhaqaalayn. loofar2 Ku l.: maal si xun u isticmaalid. loofarad Naag maalka aan dhaqaalayn ee si xun u isticmaasha.
loofarid eeg loofar².
loofarnimo Loofar ahaansho.
loofid eeg loof².
loofsan Wax harraad hayo ahaansho.
loofsanaan eeg loofsan. ld loofsanaansho.
loofsanaansho ld loofsanaan.
loog1 1. Martisoor xoolo laysu qalo. 2. Samaanyo. loog2 Marti xoolo u qalid. loogid eeg loog².
loojika Caqligal; maangal.
lool1 1. Jaad ka mid ah dhigaha aqalada miyiga lagu dhiso. 2. Dhagax mindiyaha iwm lagu afeeyo. 3. Xarriiq dhulka gudub u gooysa oo la siman dhulbaraha. 4. ld laal¹. lool2 (juqr.) Xarriiq dhigeed ama barka goobooyinka waaweyn midkood, goobooyinkaas oo mara cirifyada, badhahana xaglo quman u gooya; xarriiqaasi ma ahin goobo buuxda maxaa yeelay waxaa jira faraq 80 oo dhig ah iyo waqti 12 sacadood ah oo u dhexeeya labada badh ee goobooyinka waaweyn ee mara cirifyada. lool3 1. Awr si aan toos ahayn awr kale mici ugu dhufasho. 2. Laal ciyaarid. loolad ld loolasho.
loolasho eeg loolo. ld loolad.
looli Mindi iwm afayn.
loolib Qalab af fiiqan oo aroor dheeri ku wareegsanyahay leh oo loogu talaggalay, in uu dalool dhexda aroor ku leh dhex galo isaga oo wareegaya.
loolid eeg lool³.
loolin eeg looli.
loollamid eeg loollan².
loollan1 Dagaal ama tartan laba quwadood oo iska soo horjeeda ka dhexeeya. loollan2 Wax laysku haysto dagaal ama tartan u gelid.
page : 38 of 46
<< < 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 > >>