xididdeysasho eeg xididdeyso.
xididdeyso 1. Xidid yeelasho. 2. Ku x.: meel mudda badan ku sugnaansho.
xididi Xidid ka dhigid (dad); xididnimo ku dhawrid.
xididid eeg xixid².
xididin eeg xididi.
xididmaskaxeed 1. Dhuuxa dheer oo lafdhabarta, intiisa kore oo riciraha tunka. 2. Mid ka mid ah sooha cad oo maskaxda, maskaxyarada iyo dhuuxdheeraha, sida say-mo uga kala leexda oo oogada meesheed walba ka iltiran.
xididnimo Xidid ahaan.
xididshe (kiim.) Atam ama koox atammo ah oo leh elektroon madi ah (aan lammaanayn). Xididsheyaasha soo-cani aad bay u firfircoon yihiin; waxana lagu dejin karaa ama lagu takoori karaa xaalado gaar ahaaneed oo keliya.
xididxanuun Xanuun yar oo meel jirka ka mid ah si dabacsan u haya. Tus. “Jaamac waa isjirrisiinayaa ee xididxanuun ma hayo”.
xidig (baay.) Jidh ku dhex samaysma unugga, marka ay dhacayaan mayoosiska iyo mitoosisku, kaasi oo ka qayb qaata filiqsanaanta koromatidhyada bu'da unugga hooyada.
xidiidin Meel digdigo ah oo aan geedo lahayn.
xidinxiito 1. Shinbir yar oo af guduudan iyo lugo aad u dhuudhuuban leh. 2. X. ah: qof aad caato u ah. ld xiidxiito, xiito.
xifaalayn eeg xifaalee.
xifaalee Cid si kaftan ah wax uga sheegid.
xifaalo Si hufan oo maad leh oo wax laysaga sheego; kaftan.
xifaalootan ld xafiiltamid.
xifaaltamid ld xafiiltamid.
xifaaltan1 ld xafiiltamid. xifaaltan2 ld xafiiltan². xifasho eeg xifo.
xifo Si xad-dhaaf ah cunto uga dhergid.
xig1 Xaskul. xig2 1. In yar oo hoore ah. 2. Neef dhawaan la maalay caano yar oo candhadiisa ku soo dhaca. xig3 1. Wax, wax kale u dhowaansho. 2. Xiriir qaraabanimo yeelasho. xigaal Qaraabo. ld xigaalo, xigto.
xigaalo ld xigaal.
xigasho eeg xigo².
xigid eeg xig³.
xigmaati Qof xigmad badan.
xigmad Murti.
page : 38 of 60
<< < 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 > >>