haydaarto ld haydaaro.
haydal1 h. ah: neef ido ah oo caato ah. haydal2 Neef ido ah caatoobid. haydalan1 Neef ido ah wax caatoobey noqosho. haydalan2 Neef ido ah wax caato ah ahaansho. haydalid eeg haydal².
haydalmid eeg haydalan¹.
haydalnaan eeg haydalan². ld haydalnaansho.
haydalnaansho ld haydalnaan.
haydaro'ogsaydh (kiim.) Iskudhis uu ku jiro ayoonka OH- ama kooxda -OH.
haydarojiin (kiim.) Summadda H. Curiye neef ah oo ur iyo midab midna aan lahayn. Waa curiyaha ugu fudud uguna badan adduunka. Wuxuu ku jiraa biyaha iyo dhammaan iskudhisyada organikada ah.
haydarojiin-cursan (kiim.) Nooc gaar ah oo haydarojiin aad u firfircoon ah oo la rumeysan yahay inuu jiri karo muddo gaaban oo u dhaxaysa marka uu sameysmo iyo marka uu u muuqdo xumbo ahaan.
haydarojiinayn (kiim.) Falgalka dhexmara iskudhis iyo haydarojiin.
haydarokaarboon (kiim.) Iskudhisyada kiimikaad ee ka kooban karboon iyo haydarojiin oo keliya.
haydarokoloorik asiidh (kiim.) (HCl) Hoor bida oo midablaawe ah oo sameysma marka haydarojiin koloraydh lagu daro biyo.
haydh (fiis.) Hummaagga oo yeesha iin-muuqaal, ayna sababtay, bikaaco ama muraayad xoodan. Haydh midabkeeda humaaggu waxa uu yeeshaa hariiryo midabaysan, taas oo ay ugu wacantahay hannaanka kala geddisan ee ay midabada kala geddisan u qalloocdaan.
haydka aayoonaynta (fiis.) Tamarta loo baahan yahay si atomka gaaska (uumiga) looga saaro elegtroon.
haydroograafi (juqr.) Maaddada la xiriirta barashada biyaha ee dunida dusheeda ah, gaar ahaan marka la fiirinayo muuqaallada dabiiciga ah, rugaha, mugga, iwm.
haye Waa tahay; hawraarsan; hallayeelo. ld hayeh.
hayeeshaale Qof wax kasta oo loola yimaaddo aan hadal ka keenin.
hayeeshee Saas ay tahay; laakiin. ld ha'ahaatee, hase ahaatee, haseyeeshee, yeel(4).
hayimi Wax layliyid; dabcin.
hayimin eeg hayimi.
hayin 1. Rati la rarto oo aan buubaal ahayn. 2. H. ah: hayiminta.
hayinnimo Hayin ahaansho.
hayjad H. ah: meel cidla ah oo aan degaan u dhaweyn.
hayl Iniino qolof ku dahaaranyahay, oo cuntada, shaaha, iwm lagu udgiyo. ld heyl.
hayl1 1. Summad xoolaha loo yeelo iyadoo dhegta in yar hoos loo jeexayo. 2. Mirraaq yar oo maro dacalkeeda laga jeexay. ld haylaan². hayl2 1. Neef summad hayl ah u yeelid. 2. Wax si dherer ah u dillaacin. ld haylaamee, haylyaamee. haylaamayn ld haylid.
page : 48 of 93
<< < 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 > >>