Ereyga Maanta: saddex-madaxle
adamiyeyso  Nafley ugaarsi ku noolaan.
adan  1. Libaaxa tan dheddig; gool. 2. Ugaarta ama dugaagga intooda laayaanka ah. 3. Koox libaaxyo ah.
adar  1. (-rro, m.dh) Dheri weyn. 2. Qoolley. 3. Geed ka mid ah dhirta aan qodax lahayn.
adarbiciid  ld adaarbiciid.
adayg  ld adkaan.
addeec1  ld addeecid. addeec2  Cid amar la faray qaadasho. addeecid  eeg addeec². ld addeec¹, addeecis.
addeecis  ld addeecid.
addeecsan  Wax amar la siiyey addeecay ahaansho (qof).
addeecsanaan  eeg addeecsan. ld addeecsanaansho.
addeecsanaansho  ld addeecsanaan.
addimaad  ld addimid.
addimid  eeg addin². ld addimaad, addin¹.
addin1  1. Afarta lugood ee xawayaanka middood. 2. ld addimid. addin2  1. (xis.) Tirada kulannada loo baahanyahay in baro lagu muujiyo xarriiq dusheeda, qaab ama adke. Shaxan sallax ah waa laba addimaale, shaxan adke ahna waa saddex addimaale. 2. (xis.) Baaxadda shaxan sallax ama adke ah. 3. (xis.) Mid ka mid ah xaddiyada fisigeed ee salka ah oo loo adeegsan karo in lagu tibaaxo xaddiyo kale. addin3  ld aadaan² (1). addinmaal  ld muruqmaal.
addoomoobid  eeg addoomow.
addoomow  Addoon noqosho.
addoon1  Nin aan xor ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; cabiid; bidde. addoon2  Naag aan xor ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; biddad. addoonnimo  Addoon ahaansho.
addoonsad  ld addoonsasho.
addoonsasho  eeg addoonso. ld addoonsad, addoonsi.
addoonsi  ld addoonsasho.
addoonso  Cid addoon ka dhigasho.
adduun  1. Dhulka iyo waxa deggan; ifka lagu noolyahay; duni. 2. Hanti badan. ld adduunyo.
adduunweyne  Adduunka oo dhan. ld adduun.
adduunyo  ld adduun.
page : 18 of 1584
<< < 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 > >>