Ereyga Maanta: tiiqtiiqsasho
adeeg1  1. Hadal aan qornayn oo cid loo dhiibo si ay cid kale u gaarsiiso, farriin. 2. Shaqa hoosaad laga qabto guryaha iyo xafiisyada oo aan u baahnayn xirfad gaar ah. Tus. “Adeeggii buu diidey”. 3. Waxyaabaha daruuriga ah ee qoys maalin suuqa uga baahanyahay. adeeg2  1. Ka a.: xafiis, guri makhaayad iwm hawl hoosaad ka qabasho. 2. Ka soo a.: waxyaabo daruuri ah ee qoys maalin suuqa uga baahanyahay soo iibin. adeegasho  eeg adeego.
adeege  Qof dadka u adeega.
adeegid  eeg adeeg².
adeego  1. Cunto maalmeed suuq ka soo iibsasho. 2. Hawl keligii qabsasho (qof).
adeegsad  ld adeegsasho.
adeegsasho  eeg adeegso. ld adeegsad, adeegsi.
adeegsi  ld adeegsasho.
adeegso  1. (f.g) Cid adeeg u dirsasho. 2. (f.mg) U a.: wax samayntooda qalab ama wax kale u isticmaalid. Tus. “Baaritaanka dhiigga kombiyuutar ayaa loo adeegsadaa”.
adeegto  Haweenay shaqo hoosaad ka qabata guryaha, xafiisyada iwm.
adeer  1. Nin waxa uu u yahay ilmaha walaalkii dhalay. 2. Hab xurmo leh oo qof da'weyn loogu yeero. 3. (u.j) adeerow! 4. (u.j) wiilka aan adeerka u ahayow!; gabadha aan adeerka u ahayey.
adeernimo  Adeer ahaansho.
adeeryo  Goodirka midkiisa dheddig. ld aadeer.
adhaxle  (baay.) Faylam xayawaan oo leh adhax duleed oo ay dhexda ugu jirto xangulle dareen wade, heerarkooda kobcinta qaarkood waxay leeyihiin adhax dabacsan iyo dalool waafiyeed oo u furan dalqada. Waxa jira faylam hooseed, kuwaas oo kan ugu weyn loo yaqaan lafdhabarley. ld araxle.
adi  ld adiga.
adiga  Magacuyaal tilmaamaya qofka labaad ee kelida ah (lala hadlaha). ld adi.
adinayn  (baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan beysaska nukliyootaydhada DNA iyo RNA.
adiyo  Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi' iyo 'iyo'.
adkaan  eeg adag. ld adayg, adkaansho.
adkaansho  eeg adkow. ld adkaan.
adkayn  eeg adkee.
adkaysad  ld adkaysasho.
adkaysan1  ld adkaysi. adkaysan2  Wax la adkeeyay ahaansho. adkaysasho  eeg adkayso. ld adkaysad, adkaysi.
adkaysi1  1. Dhibaato hawl, xanuun, dhabar'adayg u lahaansho; dulqaad. 2. ld adkaysasho. adkaysi2  (daaw.) Awoodda difaaca jirka: waa cabbir adkeysanka jirka uu cudurrada u yeelan karo. adkaysiinyo  Dulqaad loo yeesho dhibaato.
adkaysin  Karti dheeraad ah oo nafley u yeelato dhibaato, mushkilad iwm.
page : 19 of 1584
<< < 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 > >>