Ereyga Maanta: hirqad
abuur1  1. (m.l.u) Miro loogu tala galay in wax lagu beero. 2. ld abuurid. abuur2  Dabeecad ama muuqaal loo dhashay; baxaalli. ld abuuris. abuur3  1. Wax aan hore u jirin uumis. 2. Wax beerid. abuuran1  Wax la abuuray noqosho. abuuran2  Wax la abuuray ahaansho. abuurcas  Nooc meseggada ka mid ah, oo midab guduud iyo caddaan u dhexeeya leh.
abuure  1. Eebbe. 2. Qof wax abuuraya ama wax beeraya.
abuurid  eeg abuur³. ld abuur¹ (2), abuuris, abuuritaan.
abuuris  ld abuurid; abuur².
abuuritaan  ld abuurid.
abuurmid  eeg abuuran¹.
abuurnaan  eeg abuuran². ld abuurnaansho.
abuurnaansho  ld abuurnaan.
abuutufaax  A. ah: macwiis tufaax astaan u ahi ku sawiran yahay.
abwaan  1. Buug ama buugag taxane ah oo laamaha aqoonta oo dhami ku uruursanyihiin. 2. Nin curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 3. A. ah: nin garasho aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh. 4. (riw.) Qof riwaayadaha curiya.
abwaanad  1. Haweeney curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 2. A. ah: haweeney garasho, aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh.
abwaannimo  Abwaan ahaansho.
abxad  Shandad weyn, maqaar ka samaysan oo reer miyigu wax ku gurtaan.
abyamid  eeg abyan². ld abyan¹ (2).
abyan1  1. Garasho ama dareen, wax silloon ama lala yaabo, ay dhaliyaan; amakaag; ashqaraar. 2. ld abyamid. abyan2  Ka a.: wax aad ula yaabid. abyanaha logaridam  (xis.) Qayb ka mid ah logaridamka tiro ee ah abyoonaha ku yaalla bidixda barta tabanlaha ee ku jirta logaridamka.
abyane huban  (xis.) Jawaabta abyanka fansaar kasta ee hal doorsoome f(x), ee u dhexeeya laba qiime oo magacaaban ee x: x, iyo x2.
abyin  (xis.) Habka lagu raadiyo abyanku huban ama aan hubanayn. Abyintu waa weydaarka xigsinaynta. Tusaale ahaan, haddii f(x) ay tahay fansaarka ee x oo marka la diiro ku siisa f(x), markaa F(x) waxa la yiraahdaa abyin ama lidka diirane ee f(x).
abyin-jeexeed  (xis.) Hab lagu sammeeyo abyinaynta taranka laba fansaar iyada oo la adeegsanaayo jidka: u (dv/dx)dx = uv - v (du)dx, oo loo adeegsan karo qiimeynta abyinka ee taran.
abyineed aan hubnayn  (xis.) Abyanka aan hubanayn ee fansaarka f(x) waa fansaar F(x) oo diiranihiisu leegyahay f(x). Waxa kale oo loo yaqaan lidka diirane; abyineed.
abyineed huban  eeg abyan huban.
abyood  Ku a.: ficil isla weyni iyo xadgudub leh cid kula kicid; gardarreysi qof.
abyoone  (xis.) Urur ka kooban tirooyinka idil ee togan iyo kuwa taban; 0, 1, 2, 3, 4, ... Abyooneyaasha togan ee 1, 2, 3, 4,... waxa lagu magacaabaa tirooyinka tirsiimo ama kuwa wax lagu tirsado.
acuudu-billaahi  Eray Eebbe looga magan galo wixii la sharaysto. ld cawdu-billaahi.
page : 16 of 1584
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>