Ereyga Maanta: tiiqtiiqsasho
acuudu-billaysad  ld acuudu-billaysasho.
acuudu-billaysasho  eeg acuudu-billeyso. ld acuudu-billeysad, acuudu-billeysi, cawdu-billeysad.
acuudu-billeysi  ld acuudu-billeysasho.
acuudu-billeyso  Ka a.: wax shartooda Ilaah ka magan gelid. ld cawdu-billeyso.
acyuun  1. Jaadadka geela mid ka mid ah. 2. Kartida ishu cid wax ku yeeli karto. ld cayuun¹.
adaa  Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi' iyo 'aa' 1.
adaadax1  1. Socodka lala dhacdhaco tabar darro darteed. 2. Meesha ay iska galaan dhulka iyo buurta. adaadax2  Tabar darro awgeed la dhicdhicid (qof). adaadi  Lacag sanuud ah oo qiimaheedu dhanyahay labaatan senti.
adaadixid  eeg adaadax².
adaadumasho  eeg adaadumo.
adaadumid  eeg adaadun².
adaadumo  Wax unkasho (hanti).
adaadun1  Unkidda xoolo, aqal iwm la unko. adaadun2  Xoolo, aqal iwm unkid. adaahi  Geed xooluhu ku dhacartaan oo leh sal weyn oo wada buruq ah iyo laamo yaryar oo dhuudhuuban.
adaan  Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi', 'aa 1' iyo 'aan 1'.
adaarbiciid  Nagaar aan qodax lahayn oo ka baxa balliyada iyo togagga, wuxuu leeyahay miro kuwa bunka u eg, dhirta dawadana waa ka mid. ld adarbiciid.
adab1  Suugaan. adab2  1. Qalab u gaar ah aqal Soomaaliga oo wax lagu rito sida qufadda, xashinta iwm. 2. Kolay yar oo ka samaysan harag ama mayrax oo ay haweenku wax ku gurtaan. adable  Dhul carro cad iyo carro madow isugu jira, geedo dhaadheer ka baxaan oo beerashada ku wanaagsan.
adaddaah1  ld adaddaahid. adaddaah2  1. Madaxwareer yar. 2. Jirro muddo lala jiifey si tartiib ah uga bogsasho. adaddaahid  eeg adaddaah². ld adaddaah¹.
adag  (adkaa, adkayd; ad'adag) 1. Wax aan jilicsanayn ahaansho. 2. Wax xoog iyo karti leh ahaansho.
adamaddoon  Qof ugaarsada dugaagga iyo ugaarta intooda halista ah. ld adame.
adame  ld adamaddoon.
adami  Nafley ugaarsiga ku nool.
adamiyeysasho  eeg adamiyeyso. ld adamiyeysi.
adamiyeysi  ld adamiyeysasho.
page : 17 of 1584
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>