Ereyga Maanta: tiiqtiiqsasho
abjed  ld abjad.
abkow  1. Awoowe. 2. Awoowe aabbihiis; abuullan.
abkownimo  Abkow ahaansho.
abla'ablayn  Barashada aragtida, jaraynta, iyo xeerarka kala soocidda naflayda kuwii dabar go'ay iyo kuwa hadda jooga.
ablaawe  1. Qof aan ciddii uu ka soo farcamay la aqoon. 2. Qof aan meher ku dhalan; wacal; garac.
abley  Billaawe weyn oo dhererkiisu yahay qiyaastii soddon sintimitir. ld amley.
abnaq1  (xis.) Tirada soo baxda marka la isku dhufto dhammaan abyooneyaasha togan ee ka yar ama le'eq abyoone togan ee la isa siiyey. Abnaqa abyoone n oo loo qoro n! waa: (n - 1) (n - 2) (n - 3) ... 3. 2. 1. Cidala isku raacay o! = 1. abnaq2  Cilmiga abtiriska. abnaq3  U a.: cid u abtirin. abnaqid  eeg abnaq³.
aboobid  eeg abow.
aboodi  Nooc haadda ka mid ah oo xagga weynaanta u dhaxeeya gorgorka iyo coomaaddaha, oo habeenkii dhulka u hoyda oo afka luguha iyo baalasha dhinacyadooda guduudan.
aboor1  Waxar ayadoon naaskii hooyadeed ka go'in biyo-cabbid bilowday. aboor2  Cayayaan yaryar, cawlan, oo leh lix lugood iyo ilka adag oo beel beel u dega, dundumooyinka sameeya. aboornimo  Aboor ahaansho (waxar).
abootannimo  Abooto ahaansho.
abooto  Hooyada hooyadeed ama aabaha hooyadii; ayeeyo, macooyo.
abooto-idabbadis  Ayeeyo-lugdheer.
abqaad  (baay.) Ka rujinta geedka laga rujiyo meel ee la geeyo meel kale. Tus. “Ka saaridda geed dheri lagu beeray ee loo wareejiyo dhulka”.
abqo  Miro dhuuban, galoolan, dhexda iniino ku leh, quracu bixiyo oo xooluhu cunaan; dhameel. ld aqbo, qabco.
abraar1  1. Orod degegsiinyo leh oo hadba dhan loo ordo. 2. abraarid. ld abraarid. abraar2  1. (f.g) Meel ciriiri ah xoog ku dhexmarid. 2. (f.mg) Si degdegsiinyo leh hadba dhan ugu ordid. abraarid  eeg abraar². ld abraar¹ (2).
abraarsii  Wax meel ciriiri ah xoog ku dhex marin.
abraarsiin  eeg abraarsii.
abraarsiis  ld abraarsiin.
abriil  Bisha afraad ee sannadka miilaadiga ah. ld abriile.
abriile  ld abriil.
abris  Halaq madow oo gaaban oo waabaayo halis ah leh, oo afka iyo dabada wax ku qaniina inta badanna aan suntiisa laga kicin.
absaxan  Waalid, isir, ab.
page : 14 of 1584
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>