Ereyga Maanta: tiiqtiiqsasho
abshir  1. War wanaagsan oo farxad leh. 2. Dariiq toosan oo kheyr lagu gaaro. Tus. “Abshirta Alle hana waafajiyo”.
absiisa  (xis.) Kulanka-x oo barbarro ahaan loogu cabbiro dhidibka-x ee habdhiska kulanka kaartis.
abti  1. Haweeney carruurta ay dhashay waxa uu walaalkeed u yahay. 2. u.j. abtiyow! 3. u.j. wiilka aan abtiga u ahayow!; gabadha aan abtiga u ahayey.
abtibadbaadeed  Haweeney carruurta ay dhashay waxa uu ina adeerkeed u yahay.
abtinnimo  Abti ahaansho.
abtiri  U a.: qof faraciisu siday isu dhaleen sheegid.
abtirin  eeg abtiri. ld abtiris.
abtiris  ld abtirin, abtirsiinyo.
abtirsad  ld abtirsasho.
abtirsasho  eeg abtirso. ld abtirsad, abtirsi.
abtirsi  ld abtirsasho, abtirsiinyo.
abtirsiimo  ld abtirsiinyo.
abtirsiino  ld abtirsiinyo.
abtirsiinyo  Aqoonta ku saabsan awoowayaashii hore magacyadooda iyo siday isu xigeen; abnaq. ld abtiris, abtirsi, abtirsiimo, abtirsiino.
abtirso  1. Qof abtirsiinyadiisa sheegasho. 2. Ku a.: awoowo hore abtirsiinyo ku gelid.
abtisarow  Sarmooyinka dhabannada iyo labada indhood dhexdooda carruurta uu ka saro abtigood durugsan; sarow.
abtiyoobid  eeg abtiyow².
abtiyow1  Soo bixidda gabar qaangaartay naasku u soo baxo. Tus. “Naas abtiyow ayaa u soo baxay”. abtiyow2  Gabar qaangaartay naas ka soo bixid. abur  Xumbo (siiba midda uu soo saaro aworka qooqan). ld ubur.
aburi  Abur yeelasho ama soo saarid (siiba awrka qooqan). ld uburi.
aburin  eeg aburi. ld uburin.
aburshuqlayn  ld abashuqlayn.
aburshuqle  ld abashuqle.
aburshuqlee  ld abashuqlee.
abuuddocan  ld abuuddoocan.
abuuddoocan  Timir yaryar, guduudan, aad u macaan oo ka baxda degmada Doocan ee Yaman. ld abuuddocan.
abuudiiq  A. ah: badeeco diiq, astaan ahaan dusha kaga sawiran.
abuullan  Awoowayaal hore oo cidi ka soo farcantay.
abuumaqas  1. Nafley bad ku nool ah oo leh jir qolof adag ku dahaarantahay, toban lugood oo labada hore u egyihiin maqas oo la cuno; koombe. 2. Nooc ka mid ah sigaarradii 40kii iyo 50kii Soomaaliya laga cabbi jirey oo dusha maqas kaga sawirnaa.
page : 15 of 1584
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>