Ereyga Maanta: qawadid
adkayso  1.(f.g) Gunti, xarig iwm oo dabacsan dhuuqsasho. 2. ku a.: hadal, fikrad, mowqif iwm iska beddelid la'aan. 3. (f.mg) U a.: dhibaato dulqaad u yeelasho; hawl, dhib, xanuun adkaysi u lahaansho; dulqaadasho.
adke  1. (fiis.) Maatarka saddexdiisa qaybood middood oo leh mug iyo qaab go'an, iskana caabida xoogagga qaabkeeda beddelaya. 2. (xis.) Shaxan joomaterikaad oo saddex aaddimood leh. 3. (xis.) A. lix salaxaale: shaxan adke ah oo leh lix weji oo barbarooleyaal ah. 4. (xis.) A. uumiyoobe: wejigeddoonka adkuhu ku noqdo neef isaga oo aan marka hore dhalaalin.
adkee  1. Wax adag ka dhigid (wax). 2. Gunti, xarig iwm si aad ah u dhuujin.
adkow  1. Wax adag noqosho (wax). 2. Ka a.: wax ka lib helid.
adna  Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi' iyo 'na 2'.
adoo  Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi' iyo 'oo'.
adooga  Aabbe.
adse  Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi' iyo 'se'.
aduu  Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi', 'aa 1' iyo 'uu 1'.
adwaar  eeg door.
adyad  Cay iyo aflagaaddo cid aan mutaysan lagu yiraahdo; aabi; faduul.
adyadee  Cid adyad ku samayn.
adyadeyn  eeg adyadee.
af1  (afaf, m.l) 1. Xubinta nafleydu ay wax ku cunto oo bushimaha, carrabka iyo ilkuhu ay ku yaalliin. 2. Dhinaca ay middidu wax goyso. 3. Waddo, tog, xarig iwm dacalka ay ka bilowdaan. 4. Wax guda leh meesha wax looga shubi ama gelin karo. 5. A. leh: sida fiican ee birta la adeegsadaa wax u goyso. af2  (afaf, m.l) 1. (nax.) Hadal ay bulsho u adeegsato sidii ay isku wargaarsiin lahayd, luqad. 2. A. guud: af ka dhexeeya ummad isku qaran ah, waxaana loo adeegsadaa siiba xagga warbaahinta iyo waxbarashada; a. qoraal: qaab afeedka la adeegsado marka wax la qorayo, kaasoo u dhow ama la xariira qaabka suugaanta, sidaa daraaddeed wuu ka adagyahay, siiba xagga weereynta, qaabka afka ee tiraab ahaan loo adeegsado; a. tirabeed: qaab afeedka la adeegsado marka si caadi ah loo hadlayo; a. maldahan: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ay ku dhex qarsoontahay; wuxuuna xallad u yeela siiba hadalka suugaanta. afaaf  (afaaf, m.dh) Meesha furan ee aqal, xero iwm laga galo ama laga baxo; kadin; irrid.
afacaayil  eeg ficil.
afaggaal  Toddobada xiddigood oo roqaha ah tan ugu dambaysa, una dhexeysa nuguushicad iyo naafcadde.
afar  Tirada saddexda iyo shanta u dhexayso; “4”.
afar-jiho  (juqr.) Afarta geesood ee muhiimka ah ee kambaska: woqooyi, koonfuri, bari iyo galbeed.
afar-madaxle  (c.nafl.) Muruqyada ugu waaweyn ee lugta fidiya midkood, wuxu ku yaal bowdada.
afaraad  Tirada jagaale, keeda u dhigma afarta. ld afraad.
afardhegood  1. Sagaarada lab ee kolkaas u soo baxeen geeso la arki karo oo kolkaa la moodo in ay afar dhegood leedahay. 2. Fallaar dhegtiiba laba tarfaaq leedahay, ama afar geesood oo geeskiiba dheg leeyahay. 3. Digir markaa soo baxday oo afar caleemood leh.
afaree  Tiro afar ka dhigid.
afareyn  eeg afaree. ld afareys.
afareys  ld afareyn.
afareysad  ld afareysasho.
afareysasho  eeg afareyso. ld afareysad, afareysi.
afareysi  ld afareysasho.
afareyso  Tiro afar ka dhigasho.
page : 20 of 1584
<< < 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 > >>