Ereyga Maanta: tefiir
badbadid  eeg badbad.
badbadin  eeg badbadi.
badbax1  Guuridda reero xagga badda u guuraan si ay uga samatabbaxaan dhibaatada dhuugga, baalka iwm. badbax2  1. Ka b.: halis ka samatabbixid. 2. Ka b.: si looga samatabbaxo dhibaatada dhuugga, baalka iwm xagga badda u guurid (reero). badbeed  Si toos ah wax uga hortagid.
badbeedid  eeg badbeed.
badbixid  eeg badbax.
baddal1  ld beddelid. baddal2  ld beddel². baddalaad  ld beddelid.
baddalan1  ld beddelan¹. baddalan2  ld beddelan². baddalasho  ld beddelasho.
baddalid  ld beddelid.
baddalmid  ld beddelmid.
baddalnaan  ld beddelnaan.
baddalnaansho  ld beddelnaan.
baddalo  ld beddelo.
badeecad  1. ld badeeco. Alaab loogu talagalay in laga ganacsado. 2. Jalxad dhuun dheer oo bir ah oo lagu nuugo qaaca ka dhasha tubaakada ay dhuxushu shiddo ee ku jirta saxanka afkeeda daboola.
badeeco  ld badeecad (1).
badeel  ld badiil.
badfur  (juqr.) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadidka baddu uu jiro ama uu furanyahay. Badda Carabta, waqtiga jilaalka ah oo ay dhacayso dabaysha mansuunta ee ka immaanaysa lid-gufaacada Sayberiya, kolkaas oo dabayluhu fududyihiin Badda Carabta dusheeda, taas oo u wanaagsan badmaaxidda gobolkaas. ld badfuran.
badfuran  ld badfur.
badhan  Shey yar oo caag, bir iwm ka samaysan, wareegsan xalleefsan daloollo leh oo dharka la gashado meelo gaar ah looga tolo si uu dacalladooda isugu qabto; galuus.
badhax  (baay.) Tafiirta ay waalidkood ugu yaraan hal astaan ku kala duwanyihiin.
badhaysi  Wax tiradooda aad u badantahay qiimahooduna yaryahay.
badhe  (juqr.) Goobo la mala-awaalay oo taalla bartamaha labada cirif dhexdooda, waxaana sameeyay goobahaas sallax la dhex mariyay bartamaha goobahaasi isla markaas waa bartamaha dhulka, waa goobo weyn, wareeggeeduna waa kan ugu dheer ee dhulka; dhulbar.
badhi1  ld bari¹. badhi2  (bot.) Xubin (dhir) qaybta dhulka ka hoosaysa ah, taas oo u suurta gelisa inuu noolaado xilli abuur ilaa xilliga ku xiga. Badhidu waa xiddo isbeddel ku dhacay oo jirrid gaaban oo ballaadhan leh. Tus. “Basal”. badhiwale  Qof shaqo hoosaadka xafiiska qabta; adeege.
page : 16 of 108
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>