Ereyga Maanta: jaabajaabeysad
badho  1. Neef caano yar; baaqimo; gabno. 2. Dhex, kalabar, bartame.
badi1  1. Wax tirsama intooda badan. 2. (fk) Alaaba, sida qaliibka ah, inta badan, badanaa, guud ahaan. badi2  1. (f.g) Wax in go'an ahaa, in kale oo la nooc ah ku darid. 2. (f.mg) Ka b.: cid tartan kaga adkaan. 3. Ka b.: wax, cid uga aqoon badnaan; ka rayn. 4. Ka b.: wax intii loo baahnaa in ka badan ku darid. Tus. “Shaahii sonkor buu ka badiyey”. badid  eeg bad². ld bidid.
badidhace1  (xis.) Walaxda ama qiimaha leh rakaadka ugu sarreeya ee daato. badidhace2  1. Waxa uu sheegaa laba dhinac ee geesole oo wadaaga gees. 2. Waxa uu sheegaa laba xaglood oo wadaaga gees iyo dhinac. 3. Laba weji oo ka mid ah wejiyada salxaale oo uu ka dhexeeyo geftin wadaag ah. badiil  Qalab loo adeegsado carro qaadidda oo ka kooban bir yar ballaaran, godan iyo daab la qabsado. ld badeel.
badin  ld badiyid.
badis  ld badiyid.
badiyid  eeg badi². ld badin, badis.
badmaax  Nin ka mid ah shaqaalaha maraakiibta ka shaqeeya.
badmar  Qof safarro badeed oo badan ka qeybgalay. ld badmareen.
badmareen  ld badmar.
badmarid  Safarka biyaha dushooda ama hawada dhexdeeda.
badnaan  1. ld badnaansho, badni. eeg badan². 2. (fk) Ugu b.: ugu weyn, ugu sarraysa.
badnaansho  eeg badnow. ld badnaan (1).
badni  ld badnaan (1).
badnow  Wax badan noqosho.
bado  Wax tiradooda kordhid.
badow  (badow /-wyo, m.dh) 1. Qof degaanka uu markaa joogo aqoon yar u leh. 2. Qof aan ilbax ahayn.
badownimo  Badow ahaansho.
badraan  Qof isla weyni iyo kibir badan.
badraannimo  Batraan ahaansho.
badrad  1. Kibir iyo aabi badan. 2. Saxan dheer oo bir ka samaysan oo rootiga lagu safo marka la dubayo.
badsad  ld badsasho.
badsasho  eeg badso. ld badsad, badsi.
badsi  ld badsasho.
badso  1. Wax la haystay in kale oo la nooc ah ku darsasho. 2. Qof, qeybtiisii in ka badan qaadasho.
baduug  Alaab aad u burburin. ld baduuji, baduuq.
baduugan1  Wax la baduuqay noqosho. ld baduuqan¹.
page : 17 of 108
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>