Ereyga Maanta: hiilley
bacrimiye  1. Daawo digo iwm oo dhul lagu shubo si bacrin looga dhigo. 2. Unug tarmineedka lab marka uu dhex galo unug tarmineedka dheddig.
bacrin  Dhul carrasan oo wax ka soo bixi ogyihiin; ugbaad.
bacrin-la'an  (daaw.) Awood la'aan in naagtu uur qaaddo ama ninku wax rimin kari waayo.
bacsii  Dharbaaxo ku dhufasho (qof).
bacsiin  eeg bacsii.
bad  ld bed³.
bad1  1. Biyo badan, dhanaan oo dhulka intiisa badan ku rogan; maanyo. 2. Goobta lagu ciyaaro turubka. 3. B.da gabayga: baabka gabayga. bad2  1. (f.g) Cid wax dhibaato leh oo aysan raalli ka ahayn ku jirrabid. 2. (f.lg) ld bid. bad-dhac  1. Qof ku nool khayraadka badda oo kaliya. 2. Qof ku xildheer arrimaha badda.
badad  (fiis.) Dululaatiga laga dareemi karo xoog; xooggaasi oo uu sababay jiritaanka walax taalla bar ka mid ah dululaatiga. Noocyada b.da waxa ka mid ah: a) b.birlabeed, b) b. danabeed c) badad cufisjiidad.
badad-birlabeed  (fiis.) Badad xoog oo ka jira weegaarka birlab ama gudbiye qulqul danab wada.
badalli  Rati aan weli rarka loo layliyin.
badan1  B.keenna, b.kiina iwm: inteenna badan, intiinna badan iwm. badan2  Wax aan tiradoodu yarayn ahaansho. badan-midab-ileys  (fiis.) Kaah birlabdanabeed leh iskujir hirbaacyo kala duwan, lagumana soo koobi karo kaahyada la arki karo. Eeg dhafan midab-ileys.
badanaa  Inta badan, marar badan, aalaa. Tus. “Birtu badanaa way mirirtaa”.
badar  Nooc ka mid ah dalagga la beerto oo leh iniino la cuno, lana keydin karo, sida: galleyda, masaggada, iwm.
badasho  eeg bado.
badbaadayn  ld badbaadin.
badbaadaysasho  ld badbaadsasho.
badbaadayso  ld badbaadso.
badbaadee  ld badbaadi.
badbaadi  Wax khatar ka nabadgelin. ld badbaadee.
badbaadin  eeg badbaadi. ld badbaadayn, badbaadis.
badbaadis  ld badbaadin.
badbaado  Xaalad aan khatar lahayn oo ay wax ku sugnaadaan.
badbaadsasho  eeg badbaadso. ld badbaadaysasho.
badbaadso  Ka b.: qof, wax khatar ku sugnaa ka samatabbaxsasho. ld badbaadayso.
badbad  Wax karsamaya takhid.
badbadi  Ka b.: wax, xadkooda dhaafin.
page : 15 of 108
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>