Ereyga Maanta: firikhi
culaab  Culayska shey leeyahay; miisaan.
culaabee  ld culaabi.
culaabeyn  ld culaabin.
culaabi  Wax culaysin. ld culaabee.
culaabin  eeg culaabi. ld culaabeyn.
culaacul  1. Nafley yar oo biyaha balliyada ku dhex nool oo dixiriga la bah ah, oogo jilicsan iyo xubno leh, oo nuugta dhiigga nafleyda kale ee biyaha kula nool iyo dadkaba. 2. Gacanta meesha ay iska galaan calaacasha iyo dhudhunka.
culan  Wax la culay ahaansho. ld cugan².
culay  Qoryo geedo gaar ah laga jaray oo iyaga oo dab leh weelasha caanaha iyo biyaha lagu nadiifiyo. ld cugay.
culays1  Xoog walaxda u jiidaya. ld cuslaan. culays2  (fiis.) Xoogga uu dhulka ku soo jiidanayo walax ayaa ah culeyska walaxdaas. Culeyska walax waxa lagu helaa mg. taasoo culeysku ku xiran yahay hadba inta uu u jiro xuddunta dhulka. Waxa astaan u ah (w), halbeeguna waa niyuutan (N). culays-isudhigan  (kiim.) Cufka curiyaha ama iskudhiska ku darsami kara ama barabixin kara hal garaam oo haydarojiin ah (ama siddeed garaam oo ogsijiin ama 35.5 garaam oo koloriin) marka falgal kimikaad dhacayo. Culays-isudhiganku wuxu u taaganyahay “awoodda ku-darsamidda” ee walaxda.
culaysi  Wax culays saarid; cuslayn.
culaysin  eeg culaysi.
culid  eeg cul. ld cugid.
culimmo  Dad diinta Islaanka wax ka yaqaan, eeg caalin.
culnaan  eeg culan. ld cugnaan, cugnaansho, culnaansho.
culnaansho  ld culnaan.
cululubad  ld cululubasho.
cululubasho  eeg cululubo. ld cululubad.
cululubo  Go'aan hore loo gaaray, arrin la xusuustay darteed u beddelid.
cululuq  Shanqarta ka yreerta caloosha dhaqdhaqaaqaysa ama la dacarfaalayo.
culummo  eeg caalin.
culus  1. Wax miisaan weyn leh ahaansho. 2. Arrin muhiim ah ahaansho. 3. Arrin xalkeedu adagyahay ahaansho.
culuun  1. ld cilmi. 2. w. cilmi.
cumaacun  1. Calaacasha iyo dhudhunka meesha ay iska galaan oo jalaqleyda ah. 2. Cagta iyo kubka meesha ay iska galaan; anqaw. 3. Lafaha yaryar ee faraha iyo lugaha middood.
cumaamad  ld cimmaamad.
cumeyri  ld cumuri.
cumir  ld cumur.
cumraysad  ld cumraysasho.
cumraysasho  eeg cumrayso. ld cimraysad, cimraysasho, cimraysi, cumraysad, cumra.
page : 87 of 95
<< < 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 > >>