Ereyga Maanta: kaahin
duqow2  eeg duq 1 (1). duqow3  Duq noqosho. duqsi  Cayayaan, duula, laba baal iyo lix addin leh, meelaha wasakhada ka dhasha oo ka qayb qaata faafinta cudurrada. ld daqsi, diqsi, tixsi.
duqus  Nooc badarka ka mid ah, miro yaryar oo madow leh, waambaha u eg oo canjeerada laga sameysto. ld dukhun.
duqush  1. ld doqosh. 2. Luuq.
dur  1. Wax caarad dhuuban cid ku mudid. 2. Cid dawo cirbad ku siin. 3. Marag, dood, iwm. iin u yeelid.
dur1  1. Shilin, kumi iwm dhinaca aan sawirka lahayn. 2. Ciyaarta delebka, qoriga lagu ciyaaro dhiniciisa durka leh. duraab1  Biyo maax ah oo ceel ku jira. duraab2  Ceel maaxasho. duraabid  eeg duraab².
duray  (daaw.) Cudur fiirus keeno oo dunida oo dhan ku faafsan kaas oo keena halamacoodka sanka, cunaha iyo dhuumaha neefta. Cudurka waxa la isku qaadsiiya qufaco iyo hindhisada.
durba  D./d.diiba: si degdeg ah, la raagis la'aan, ciyow.
durbaan  (muus.) Qori xordan oo labadiisa af harag khafiif ahi ku dahaaranyahay oo ciyaaraha loo tumo, cod weynna bixiya. ld gurbaan.
durbaansan  Wax qaab durbaan leh ahaansho.
durbaansanaan  egg durbansan. ld durbaansanaansho.
durbaansanaansho  eeg durbaansan. ld durbansanaan.
durbadiiba  eeg durba.
durdur1  1. Tog yar oo leh biyo joogto ahaan u qulqula oo aan go'in. 2. D. ah: Biyo si joogto ah u qulqulaya oo aan go'ayn. durdur2  Biyo si joogto ah oo aan kala go'lahayn u socosho. durdur-kulul  (jool.) Il dabiici ah oo biyaheedu kululyihiin, taas oo biyo kulul iyo qiiq kor u soo tuurta, amminta u dhexaysa kor u soo tuuridda way isla ekaan kartaa ama way kala duwanaan kartaa.
durduri  Biyo si joogto ah oo aan kala go'lahayn u socosho.
durduri1  Si culus u ordid (geel); baabbacayn. durdurid  eeg durdur².
durdurin  eeg durduri. ld durduris.
durduris  ld durdurin.
durduro  Orod xawli ah oo geela iwm ordaan.
durduur1  1. Rakaad. 2. Ladaab. 3. Biyo la siiyo neef hore u cabbay. durduur2  Xoolo hore u cabbay biyo ay ku noq-noqdaan siin. durduurasho  eeg durduuro.
durduurid  eeg durduur².
page : 209 of 218
<< < 204 205 206 207 208 209 210 211 212 213 214 > >>