Ereyga Maanta: geedamaal
indhafircoon  ld indhafirqoon.
indhafircoonaan  ld indhafirqoonaan.
indhafircoonaansho  ld indhafir-qoonaan.
indhafircooni  ld indhafirqoonaan.
indhafirqoon  Wax meel dheer wax ka arka ahaansho (qof). ld indhafircoon.
indhafirqoonaan  eeg indhafirqoon. ld indhafircoonaan, indhafircoonaansho, indhafircooni.
indhafirqooni  ld indhafirqoonaan.
indhafuran  1. Wax feejigan ahaansho. 2. Wax meel shaqo iwm aad u kala yaqaan ahaansho. 3. Wax aan loo jeedin wax arka ahaansho.
indhafurnaan  eeg indhafuran. ld indhafurnaansho.
indhafurnaansho  ld indhafurnaan.
indhagaduudi  ld indhagaduudsasho.
indhagaduudsad  ld indhagaduudsasho.
indhagaduudsasho  eeg indhaga-duudso. ld indhacasaysad, indhacasay-sasho, indhacasasaysi.
indhagaduudsi  ld indhagaduudsasho.
indhagaduudso  Muddo yar seexasho. ld indhacasayso.
indhagarad  1. Aqoon yar oo cid loo leeyahay. 2. Qof dadka aqoon wax ugu qabta.
indhagaradnimo  Indhagarad ahaan-sho.
indhahabeeno  Cudur indhaha ku dhaca oo aysan habeenkii si wanaagsan wax u arag.
indhakugaraadle  Qof marba xaaladda uu ku joogo wax ku qaybsada oo aan eegin waxa soo socda.
indhakugaraadlennimo  Wax indha-kugaraadle ah ahaansho (qof).
indhakuul1  Budo madow, dhowr jaad u kala baxda oo haweenku indhaha xirribahooda ku quruxsadaan. indhakuul2  Budo beycad ah indhaha ku qurxin; u i.: cid indhakuul u marin. indhakuulad  ld indhakuulasho.
indhakuulan  Wax indhakuul marsaday ahaansho (cid).
indhakuulasho  eeg indhakuulo. ld indhakuulad.
indhakuulid  eeg indhakuul².
indhakuulnaan  eeg indhakuulan. ld indhakuulnaansho.
indhakuulnaansho  ld indhakuul-naan.
indhakuulo  indhakuul marsasho (cid).
indhal  1. Harag ido ah oo aad loo jilciyey oo wax lagu tosho. 2. Harag ar, jilicsan oo kabaha qaarkood afka hore kaga sameysan si araha meel loo gasho.
page : 21 of 43
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>