Ereyga Maanta: xasaw
ilmaggaleen  (c.nafl.) Xubinta nafleyda dheddiga ahi ilama ku siddo inta ay ka dhaleyso; min.
ilmaqabato  Wax aad u yar oo aan indhaha lagu arki karin in weyneysa loo adeegsado mooyee.
ilmarin  Eegmo si aad ah aan wax loo fiirin.
ilmarooje  Dullaal.
ilmarooji  U i.: qof u iljebin.
ilmaroojin  eeg ilmarooji.
ilmarrogad  ld ilmarrogasho.
ilmarrogasho  eeg ilmarrogo. ld ilmarrogad.
ilmarrogo  Minka gudihiisa isku gediyid (uurjiif).
ilmasid  ld ilmasideen.
ilmaside  ld ilmasideen.
ilmasideen  Ilmaggaleen. ld ilmasid, ilmaside.
ilmayn  eeg ilmee.
ilmee  1. Ilmo iska keenid. 2. Beydad faal badin. 3. Caruurr iska dhigid.
ilmilicsi  ld Ilbiriqsi; ld milicsi.
ilmiliqsi  ld ilbiriqsi.
ilmirigle  1. I. ah: qof miskiinnimo aad ah ka muuqato. 2. ld ilmirigleyn.
ilmiriglee  Si miskiinnimo ku jirto wax u fiirin.
ilmirigleyn  eeg ilmiriglee. ld ilmirigle (2).
ilmo1  Dhallaan; caruur; ubad. ilmo2  Dhibco biyo dhanaan ah oo qanjirrada indhaha ka yimaadda; ilin. ilmo-calooleed  (c.nafl.) Uurjiifka naasleyda, gaar ahaan dadka, marka korrinkiisu gaadho heer loo aqoonsan karo muuqaallada qof weyn. Dadka uurjifkiisu laga billaabo siddeed toddobaad ilaa inta uu dhalanayo waxaa la idhaahdaa ilmo calooleed.
ilmooley  Haweeney carruur badan oo yaryar leh.
ilmud  (daaw.) Cudur indhaha ku dhaca oo ilma badan ka keena.
ilnibirsi  ld ilbiriqsi.
ilo  Dulduleelka oogada nafleyda ku yaal oo dhididku ka soo baxa.
iloodi  Qof basar badan leh.
ilqabad  ld ilqabato (1).
ilqabato  1. ld ilqabad. Qurux indhuhu aad u soo jiita. 2. I. ah: wax indhaha lagu arki karo, iyadoon wax qalab ah la adeegsan.
ilqayto  (daaw.) Iin indhuhu ay yeeshaan oo ay hal mar isku dhinac eegi karin.
page : 16 of 43
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>