Ereyga Maanta: hirqad
imtixaanid  ld intixaanid, itixaanid.
imtixaannaan  eeg imtixaaman. ld imtixaannaansho, intixaannaan, inti-xaannaansho.
imtixaannaansho  ld imtixaannaan.
in1  1. (ino, m.l) Xoogaa, qaar, wax aan badnayn; wax; tiro. 2. Qayb, cad. 3. Waqti, goor. 4. Xag, meel, kob. 5. Inna: waxna. in2  1. Eray lagu xiriiriyo weer dhammaystire ah (weer yeele ah, weer layeele ah iwm). Tus. “In uu imaanayaa waa hubaal”, “Waxaan doonayaa in aan tago”, “Magaaladii buu u tegey in uu dawo soo iibsado”. 2. Eray lagu xiriiriyo weer waqtiley, haddii. Tus. “Bal inaan eegi karo aan soo durko”, “Weyddii bal inay fog tahay”. 3. Inta: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Inta aan soo noqonayo”, “Ninku wuu hadlaa intii uu ka noogo”. 4. Waa intaas: malaha, waxaa suuraggal ah in. Tus. “Waa intaasuu yimaadaa ee cunto meel u dhig”. in-gudbiye  (kiim.) Walax astaanteeda gudbineed ay u dhexeysa tan gudbiye (bir) iyo tan ma-gudbiye (caag). Marka loo eego gudbiyeyaasha, caabbiga in-gudbiye waxa uu la sii yaraadaa korodhka heerkulka. In-gudbiyeyaasha waxa ka mid ah adkeyaasha wiriqlaha ah sida jeermaniyam iyo silikon.
ina  Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo aan kuwa lala hadlayaa ku jirin. Tus.: “Ninku waa ina wada arkay ee maxaynu samaynaa?” ld inna³.
ina-abti  (ilma-abti, m.l) Wiil ama gabar abti dhalay.
ina-adeer  (ilma-adeerro, m.dh) Wiil ama gabar adeer dhalay.
ina-eeddo  (ilma-eeddo, m.l) Aabaha walaashiis wiilka ama gabarta ay dhashay.
ina-habreed  (ilma-habreed, m.dh) Hooyada walaasheed wiilka ama gabarta ay dhashay.
inan1  1. Wiil, 2. Nin dhalin yar. 3. ld iran (2). inan2  1. Gabar. 2. Gabar gaartey da'dii guriyeelashada welise aan la guursan. inanlayaal  Nin la deggen reer uu gabadh ka guursaday.
indha-adag  Qof aan ceeb ka baqaynin ama xishood yar ahaansho.
indha-adayg  ld indha-adkaan.
indha-adkaan  eeg indha-adayg. ld indha-adayg, indha-adkaansho.
indha-adkaansho  ld indha-adkaan.
indha-indhayn  eeg indha-indhee.
indha-indhee  Wax kormeerid.
indhabaaq  Wax arkid la'aanta ilma xoolaad oo markaas dhashay.
indhabbeel1  Indhaha oo nuurkii aragga ka taga. ld indhabbeelid. indhabbeel2  Indho nuurkii aragga lumin. ld aragbeel². indhabbeelid  eeg indhabbeel². ld aragbeel¹, aragbeelid, indhabbeel¹, indhabbeelis.
indhabbeelis  ld indhabbeelid.
indhacaddayn  eeg indhacaddee. ld indhacaddays.
indhacaddays  ld indhacaddayn.
indhacaddee  1. Sakaraadid. 2. Dood aan wax loo cuksado lahayn ku indha adaygid.
indhacagaarshe  (daaw.) Cudur dadka ku dhaca oo cagaar ka dhiga midabka indhaha. ld indhacagaarshow.
indhacagaarshow  ld indhacagaarshe.
page : 19 of 43
<< < 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 > >>