Ereyga Maanta: hirqad
ilxir  1. Maro, derin iwm oo aqal, qol, iwm lagu kala qoqobo. 2. Inta ka dambeysa ilxirka oo la seexdo (qolka). ld ila-xir.
ilxoolaadi  Wax baylah ka ilaalin iyada oo aan muhimad dheerraad ah la siinayn.
ilxoolaadin  eeg ilxoolaadi. ld ilxoo-laadis.
ilxoolaadis  ld ilxoolaadin.
ilxumaan  eeg ilxun. ld ilxumaansho, ilxumo.
ilxumaansho  ld ilxumaan.
ilxumo  ld ilxumaan.
ilxun  Wax aan xaaladdiisu wanaagsaneyn ahaansho.
ilyar  1. Nooc gambada ka mid ah oo leh ilo badan oo yaryar. 2. Nooc shabaagta lagu jillaabto ka mid ah.
ilyaro  Marinka ilmada.
imaad  ld imaansho.
imaam  1. Nin dadka salaadda tujiyo. 2. Madax. 3. Nin aqoonta diinta muslimka aad ugu xeel-dheer. ld imaan.
imaamnimo  Imaan ahaansho.
imaan  ld imaam.
imaasho  eeg imow. ld imaad, imaatin.
imaatin  ld imaasho.
imbaryoolaji  (baay.) Barashada kori-taanka xayawaanka marka laga soo bilaabo ukun bacrisan ilaa iyo uu ka noqdo noole qaangaadh ah.
imberadooriyad  Boqor-tooyo.
imberyaaliyad  ld imbiryaaliyad.
imbili  1. Furka dhalooyinka cabitaanka. 2. Ciyaar ay caruurtu ciyaarto oo ay ku ciyaaraan furka dhalaooyinka.
imbiryaaliyad  Siyaasad dawlad weyni ku dhaqanto oo dawladaha yar yar ku khasbaya in ay danaheeda fuliyaan. ld imberyaaliyad.
imkaniyad  Awood dhaqaaleed.
immin  ld ammin.
imminka  Goorta la joogo; hadda; haddeer; eegga. ld amminka.
immisa  Tiro weyddiimeed oo caddad, qiime ama saacad lagu hubsanayo; inma?, intee?. Tus. “Waa immisadii?”, “Waa meeqa saac?”. ld meeqa.
imow  (yimid, timid) Meel qofka lala hadlaya ama kan hadlayaba jooga tegid.
imtixaaman  1.Wax imtixaan laga qaaday ahaansho. 2. Dhibaato cid ku dhacda oo lagu tijaabinayo dulqaadkeeda ahaansho. ld intixaaman, itixaaman.
imtixaamid  eeg imtixaan ld imtixaanid, intixaamid, itixaamid.
imtixaan1  1. Imtixaan lagu tijaabo cid aqoonta. 2. Dhibaato cid ku dhacda oo lagu tijaabinayo dulqaadkeeda. ld intixaan, itixaan. imtixaan2  1. Tijaabin heerka aqooneed ee qof. 2. Cid dulqaad-keeda tijaabin. ld intixaan², itixaan².
page : 18 of 43
<< < 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 > >>