Ereyga Maanta: hirqad
ilqod  (daaw.) Cudur indhaha ku dhaca.
ilqoor  ld ilqooreed.
ilqooraad  ld ilqooreed.
ilqooraadasho  eeg ilqooraadso.
ilqooraadso  Si ilqooraad ah wax u eegid.
ilqooreed  (c.nafl.) Isha dhinaceeda dambe oo dhegta xiga. ld ilqoor, ilqooraad.
ilroon  Ka i.: wax wax kale ka roonaansho.
ilroonaan  eeg ilroon. ld ilroonaan-sho.
ilroonaansho  ld ilroonaan.
iltir  Weel iwm wax ka buuxin.
iltiran  Wax si fiican u buuxa ahaansho.
iltirid  eeg iltir.
iltirnaan  eeg iltiran. ld iltirnaansho.
iltirnaansho  ld iltiranaan.
iltuke  (bot.) Geed yar oo dhulka ku faallala oo miro yaryar oo la cuno leh.
ilwaad  Muuqaal quruxsan.
ilwaadsad  ld ilwaadsasho.
ilwaadsasho  eeg ilwaadso. ld il-waadsad, ilwaadsi.
ilwaadsi  ld ilwaadsasho.
ilwaadso  Wax qurxoon fiirsashadooda ku istareexid.
ilwalliije  Qof labadiisa indhood aysan isku meel hal mar wada eegi karin.
ilwalliijis  Si qalooc ah oo wax loo eego.
ilwareen  (daaw.) Cudur indhaha ku dhaca.
ilwareerto  ld ilikuwareertay.
ilxaad  Inkiridda jiritaanka Ilaah.
ilxaax1  1. Lumidda rabitaanka wax loo qabay marka ay indhuhu ka bataan araggooda. 2. Baryo aad u badan. ilxaax2  1. Wax indhaha ka batay rabiddii loo qabay lumid. 2. Wax si aad ah u baryid. ilxaaxid  eeg ilxaax².
ilxaydh  (c.nafl.) Lakabka sare ee adag ee isha lafdhabarleyda. Isha xaggeeda hore, ilxaydhu waxay isu beddeshaa koorniya.
ilxayr  Meesha godan oo isha iyo dhegta u dhexeeysa.
page : 17 of 43
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>