Ereyga Maanta: gurguurto
is-hambarraaci  Wax in yar oo ka hartay si tashiil la'aan ah u dhammayn.
is-hambarraacin  eeg is-hambarraaci. ld is-habarraacis.
is-hambarraacis  ld is-hambarraacin.
is-haysasho  (fiis.) Caabbiga ka horjeeda socodka ka dhasha dareere. Ha ahaato, socodka dareere marka uu qulqulayo ama socodka walax adke ah oo dhexmaraaya dareere. I. waxa uu ka dhashaa xoogga isliska ee ka jira dareeraha gudihiisa, waxana sababa xoogga ah isjiidadka ka dhexeeya molikuyuulada dareeraha. ld isjiidasho.
isa  ld isaga.
isaga  Magacuyaal tilmaama qofka saddexaad ee kalida lab ah (kan laga hadlayo ama wax laga qoraya). ld isa.
isasur  Cawl lab oo aad u weyn.
isbaandhays  1. Geed dheer oo qodax leh oo dhala miro midab huruud ah leh oo la cuno dhexdana ku leh laf qodaxyo leh. 2. Miraha geedkaas dhala. ld isboondheys .
isbahaysad  ld isbahaysasho.
isbahaysasho  eeg isbahayso. ld isbahasad, isbahaysi.
isbahaysi  Xiriir isgaashaanbuuraysi oo ka dhexeeya dad, ummado, dawlado, iwm oo sokeeye ahaan isku raaca. ld isbahaysasho.
isbahayso  Dad, ummado, dawlado, iwm xiriir isgaashaan-buuraysi oo sokeeye ahaan uga dhexeeya isku raacid.
isbarbardhig1  Isu eegidda la isu eego laba shey waxa ay iskaga mid ka yihiin. isbarbardhig2  ld bar-bardhig. isbarbardhigid  eeg isbarbardhig².
isbeddel1  1. Gaddoonka muuqaal iwm oo ku dhaca walxaha. 2. Wax cusub oon hore u jirin oo soo kordha. isbeddel2  Wax muuqaalkoodii iyo siday ahaayeen ka gaddoomid. isbeddel-cadaadis  (c.cimi.) Isbeddelka ku dhaca cadaadiska gibilka kaas oo ka dhaca bar gaar ah iyo waqti gaar ah, badanaa saddex saacadood, oo ka horraysa, indha indhayn lagu sameeyo gibilka.
isbeddel-kiimikaad  (kiim.) Isbeddelka ku dhaca walax; kaas oo la xiriira dhinaca dhismaha kiimikaad; kuna yimaada atammada molikuyuulka oo kordha, yaraada ama dib-u-habayn sameeya.
isbeddelid  eeg isbeddel².
isbeermatosuw  (baay.) Unug taranka dhammayska ah ee socda ee xayawaanka lab, kaas oo soo saaraan xiniinyuhu. Wuxuu ka koobanyahay qayb madaxa oo leh bu'dhiman iyo akrasoom, kaas oo u oggolaada xawada inay gasho, ukunta markay bacrimintu dhacayso, qayb dhexe oo leh mitokondoriya siisa tamarta dhaqdhaqaaqa iyo qayb dabo ah oo u samaysan qaab hore u socodsiiya xawada.
isbig  Afarta jaad ee uu haadaadka turubku u kala baxo middood.
isbitaal  Meesha dadka jirran lagu daaweeyo lana seexiyo. ld cisbitaal, cusbitaal.
isboondheys  Miro la cuno. ld isbaan-dhays.
isboorti  Madaddaalo ciyaareed oo xeerar leh iyo qawaaniin oo lagu tartamo.
isbuturi  Caro iyo islaweynaan awgeed gaar u bixid (qof).
isbuturin  eeg isbuturi. ld isbuturis.
isbuturis  ld isbuturin.
iscaddiir  Wax si toos ah u abbaarid.
iscaddiirid  eeg iscaddiir.
page : 28 of 43
<< < 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 > >>