Ereyga Maanta: dalankacee
isku-aad1  Isku abbaaridda ay laba shay ama kooxood isku abbaarmaan. ld aad¹. isku-aad2  Laba walxood iwm isku abbaarmid. isku-aaddan  Wax la isku aaddiyay ahaansho.
isku-aaddanaan  eeg isku-aaddan. ld isku-aaddanaansho.
isku-aaddanaansho  ld isku-aadda-naan.
isku-aaddi  Laba walxood ama ka badan isku abbaarid.
isku-aaddin  eeg isku-aaddi.
isku-aadid  eeg isku-aad².
isku-cadaadis  (fiis.) Xariiq ku muujisan khariidad ama kaarto iskuna xidha baraha ama meelaha cadaadiskooda gibileed uu isku mid yahay.
isku-dubbarid1  Agaasimidda si wanaag-san loo agaasimo hawl. isku-dubbarid2  Cid hawl si wanaagsan u agaasimid. isku-dubbaridid  eeg isku-dubbarid².
isku-go'  (muus.) Wax dhawaaqooda ama ridimikood isku jaango'an; halcodlayn.
isku-go'id  eeg isku-go'.
isku-god  (kiim.) Atamyo isku curiye ah, oo iskaga mid ah tirada borotoonnada ee ku jira bu'da atamyada; laakiinse ku kala geddisan tirada niyuutaroonnada ee bu'da.
isku-heerkul  1. (fiis.) Xariiq ku muujisan khariidad; ama kaarto, iskuna xirta baraha ama meelaha heerkulkoodu isle'egyahay. 2. (fiis.) Xood ku muujisan garaaf oo u taagan qiyaaso laga cabbir qaatay heerkul madoorsoome ah (sida, xiriirka ka dhexeeya cadaadiska iyo mugga neef, marka heerkulku yahay madoorsoome).
isku-jaad  Waxyaabaha isku midka ah.
isku-kaan  (baay.) Marka la sharaxayo noole leh laba aliil oo isku mid ah oo ukumaya muuqal gaar ah shiiqiye iyo shiiqsane midkuu doono ha ahaadee.
iskubaano  Kolay shiraac ka samaysan oo waxyaabaha yaryar lagu rito oo ay sida badan ciidamadu qaataan. ld nuskubaano.
iskudaran  Cid maankeedu is dhintay noqosho.
iskudarmid  eeg iskudaran.
iskuddar  1. Waxyaabo kala jaad ah oo la isku qasay. 2. Isugeynta xisaab.
iskuddaran  I. ah: qof waayeelnimo awgeed garaadkiis isdhimay.
iskuddubbadhac1  1. I. ah: wax si nidaam leh oo aan kala go'layahan u socda. iskuddubbadhac2  Wax si nidaam leh u socosho. iskuddubbadhacmo  ld iskuddub-badhac¹.
iskuddubbadhicid  eeg iskuddub-badhac².
iskuddulnoolaad  Hab dhaqan-dhaqaale oo qof wax soo saarkiis ay cid kale ku nooshahay.
iskudduwe  Qof mas'uul ah oo hawlaha hay'adda isku habeeya. ld isudduwe.
iskudheg-bu'eed  (kiim.) Falgal bu'eed oo ka dhex dhaca bu'atameedyada fudud, ayna samaysanto bu'atameed culus oo la jirto tamar baxda oo laxaad weyn leh. Tamartaasi waxa sababa cufka lumay. ld isu dheg bu'eed.
page : 33 of 43
<< < 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 > >>