Ereyga Maanta: meereysan
isfaxlid  Gudbinta faxalka ee laga soo qaado faxal sidaha geed loona gudbiyo fur ubo-ubaxda isla geedkaas.
isfeel  Ciyaar lagu tartamo oo la tunto habeennada bisha Ramadaan, waxaana ku tartami jiray xaafadihii hore ee magaalada Xamar.
isfidhikhi  Kibir iyo islaweyni muujin.
isfidhikhin  eeg isfidhikhi. ld isfi-dhikhis.
isfidhikhis  ld isfidhikhin.
isfoohaari  Xarrago islaweyni ku jirto muujin.
isfoohaarin  eeg isfoohaari. ld isfoohaaris.
isfoohaaris  ld isfoohaarin.
isgaarsii  1. War iwm isu gudbin. 2. Wax isdeeqsiin.
isgaarsiin1  eeg isgaarsii. isgaarsiin2  (tegno.) Barashada iyo adeegsiga hababka gudbinta wararka, sida raadiyaha, telifoonka ama telifishanka iwm. isgarabdhig1  Isu-eegidda laba shey ama ka badan waxay ku kala duwanyihiin ama isaga mid yihiin. isgarabdhig2  Laba wax ama ka badan waxay ku kala geddisanyihiin ama isaga mid yihiin isu eegid. isgarabdhigid  eeg isgarabdhig².
isgarabtaag1  Taageerada loo sameeyo cid, arrin ay wadato. isgarabtaag2  Cid arrin ay wadato taageerid. isgarabtaagid  eeg isgarabtaag².
isgiriirixi  Qof, wax caraysan iska dhigid.
isgiriirixin  eeg isgiriirixi. ld isgi-riirixis.
isgiriirixis  ld isgiriirixin.
isgoo  1. (f.g) Qof jirkiisa meel ka mid ah wax af leh isaga jarid. 2. (f.mg) Qof cayilan isliska cajarradiisa uu isku liso awgeed la dhaawacmid.
isgoyn  eeg isgoo.
isgoyska dareenwadaha aragtida  (isgoysyo ..., m.dh) (daaw.) Labada dareenwade ee aragtida oo mid il ka yimid meesha ay isku gooyaan oo ku beegan xarriiqda maskaxda kala barta una dhow qanjirdhiiqa “bitwitariga” dareenwada-yaasha ka yimaada xuubka aragtida (reetina) dhankiisa sanka xiga ee il walba waxay kudarsamaan dareenwadayaasha ka yimaada xuubka aragtida (reetina) dhankiisa dibedda xiga ee isha kale. Cadadka aragtida oo ka sameysma isku darsankaas kaddib waxay kala nadan qoqob maskaxeedka jeegada ee labada dhinac.
ishaafalad  Waxa la falayo ama la qabo kolka lagu xiro hadba saha joogaa siduu yahay.
ishaafalatayn  eeg ishaafalatee.
ishaafalatee  Wax dan laga leeyahay iska hubin.
ishaafalato  Hubinta la hubiyo wax dan laga leeyahay.
ishaar  1. Wax tilmaamid iyadoo farta lagu fiiqayo. 2. Wax saadaalin.
ishaarid  eeg ishaar.
ishaaro  Saadaalinta wax aan weli dhicin la saadaaliyo.
page : 31 of 43
<< < 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 > >>