Ereyga Maanta: meereysan
iscasil  Qof jago iwm oo uu hayey iskiis u wareejin.
iscasilaad  Xil iska wareejinta qof uu iskiis isaga wareejiyo jago iwm oo uu hayey.
iscasilid  eeg iscasil.
isciilkaabi1  Is-hiifidda ama ka shallaynta khalad la sameeyey. isciilkaabi2  1. Khalad la sameeyey dartii is-hiifid. 2. Caro darteed faruuryo-qaniinid. isciilkaabin  eeg isciilkaabi². ld isciilkaabiyid.
isciilkaabiyid  ld isciilaambin.
isdaafac1  Baadbaadinta qof naftiisa ka badbaadiya halis ku soo fool leh. ld isdifaac¹. isdaafac2  Dhibaato iska badbaadin. ld isdifaac². isdaafacid  eeg isdaafac². ld isdi-faacid.
isdabaggal1  Socod nafley badan ay socoto oo midka mid ka dambeeyo. isdabaggal2  Nafley badan oo socota midba mid ka dambeysa. isdabaggeli  Nafley midba midka kale gadaashiisa ku aaddin.
isdabaggelid  eeg isdabaggal².
isdabaggelin  eeg isdabaggeli.
isdabamar1  1. Isdhaafidda ay laba wax ama ka badan ay isu dhaafaan jihooyinka isku lid ah. 2. Khayaano. ld isdabammar¹. isdabamar2  1. Wax isku qaldamid. 2. Laba wax ama ka badan jihooyin isku lid ah isu dhaafid. ld isdabammar². isdabamari  Wax isku qaldid. ld isdabammari.
isdabamarid  eeg isdabamar². ld isdabammarid.
isdabamarin  eeg isdabamari. ld isdabamaris, isdabammarin, isdabam-maris.
isdabamaris  ld isdabamarin.
isdabammar1  ld isdabamar1. isdabammar2  ld isda-bamar². isdabammari  ld isda-bamari.
isdabammarid  ld isdabamarid.
isdabammarin  ld isdabamarin.
isdabammaris  ld isdabamarin.
isdhaaf1  1. Waalli. 2. I. ah: laba addin oo aan isku dhinac ahayn. isdhaaf2  1. (f.g) Laba wax ama ka badan oo jihooyin kala duwan u socda isweydaarasho. 2. (f.g) Laba ama ka badan oo wax isku hayey isnabadgelin. 3. (f.mg) Cid waalasho. isdhaafdhaaf1  Is waydaarka ay labo waxyaabood ama ka badan ay jahooyin kala duwan isu weydaartaan dhawr jeer.
page : 29 of 43
<< < 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 > >>