Ereyga Maanta: meereysan
isdhaafdhaaf2  Laba waxyaabood ama ka badan jahooyin kala duwan dhawr jeer isu weydaarasho. isdhaafdhaafid  eeg isdhaafdhaaf².
isdhaafdhaafsan  Wax isdhaafdhaafay ahaansho (cid).
isdhaafdhaafsanaan  eeg isdhaaf-dhaafsan. ld isdhaafdhaafsanaansho.
isdhaafdhaafsanaansho  ld isdhaaf-dhaafsanaan.
isdhaafi  1. Laba wax oo jihooyin kala duwan u socda isweydaarin. 2. Wax khaldid. 3. Cid waalid. 4. Jirro qof haysay mid kale ku wareejin iyada oo sixir la adeegsanaayo.
isdhaafin  eeg isdhaafi. ld isdhaafis.
isdhaafis  ld isdhaafin.
isdhaafsad  ld isdaafsasho.
isdhaafsan  1. Wax la sixray ahaansho. 2. Wax la khalday ahaansho.
isdhaafsanaan  eeg isdhaafsan. ld isdhaafsanaansho.
isdhaafsanaansho  1. ld isdhaaf-sanaan. 2. eeg isdhaafsanow.
isdhaafsanow  1. Wax khaldan noqosho. 2. Wax la sixray noqosho.
isdhegammari  Wax la diiddanyahay maqalkiisa ismoogeysiin.
isdhegammarin  eeg isdhegammari. ld isdhegammaris.
isdhexgal  (fiis.) Kulanka laba hir waxa dhici karta inay is taageeraan oo hir maxsuulku uu noqdo wadarta tamarta labada hir, ama ay is tirtiraan oo maxsuulku noqdo faraqa labada hir.
isdhin1  (dhaq.) Nusqaamidda shey uu ka nusqaamo sidii uu ahaa. isdhin2  Shay siday ahaayeen ka nusqaamid. isdifaac1  ld isdaafac¹. isdifaac2  ld isdaafac². isdifaacid  ld isdaafacid.
isdoqondiidsii  Dhibaato jirta ismoogeysiin.
isdoqondiidsiin  eeg isdoqondiidsii. ld isdoqondiidsiis.
isdoqondiidsiis  ld isdoqondiidsiin.
isfanji  (c.nafl.) Nafley yar oo badda ku nool oo leh oogo jilicsan oo daldaloosha.
isfantacoori  Wax caraysan iska dhigid (qof).
isfantacoorin  eeg isfantacoori.
isfantatiir1  Isugeynta awoodda qof awooddiisa geeyo wax wax kaqa-bashadiisu adagtahay. isfantatiir2  Wax, wax ka qabashadoodu adag tahay awood isugu geyn. isfantatiirid  eeg isfantatiir².
page : 30 of 43
<< < 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 > >>