Ereyga Maanta: dalankacee
ishin  1. ld ishkin. 2. Ugaarta waaweyn, gaanni.
ishiqaate  Qof arrimaha uu la kulmo wixii u dan ah ka yeela.
ishkin  Geela iyo lo'da (xoolo). ld ishin (1), isjin.
ishtiraaki  Qof ishtiraakiyadda rumaysan.
ishtiraakiyad  Hawl-iyo-hantiwadaag.
isim  Magac. ld isin.
isin  ld isim.
isir  1. Asalkii hore ee nafleydu ka soo farcantay. 2. Taranta laba tibxood iyo wixii ka badan.
isir ay wadaagaan  (xis.) Tirada isir ahaan ay u wadaagaan laba ama dhowr tiro, tusaale ahaan 4 iyo 6 waa isirrada ay wadagan 24 iyo 36 (eeg qaybshaha ay wadaagaan).
isir-u-dhaleen  Ka dhaxlidda wax sida foolxumo, qurux, geesinnimo iwm laga dhaxlo awoowyaashi hore.
isirwadaag1  Isirwadaag ahaansho. isirwadaag2  Dad awoowyaashoodii hore wada dhasheen. isjiidasho  ld is-haysasho.
isjin  ld ishkin.
iska-celin-dembiile  (qaan.) Marka qof la qabto oo ahaa burcad ama shufto oo loo celiyo dawladdii uu dambiga ka galay.
iskaambe  1. (c.nafl.) Xayawaan badeed midabkiisa caddaan iyo casaan isugu jira yahay oo dusha qolof ku leh jirkiisuna xubno-xubno u qeybsanyahay. 2. (c.nafl.) Nafley badda ku jirta oo jaadad badan ah oo hilibkooda aad loo jeecelyahay; kaambe.
iskaashato  Dad ururay oo xoog iyo hantiba wadaaga.
iskadhal  1. I. ah: qof labadiisa waalid aysan isku jiinsiyad ahayn. 2. I. ah: qof labadiisa waalid ay isku qoys yihiin.
iskafaale  Qalab leh qaanado furan oo saf ahaan isu dul saaran oo alaab, buugag iwm la saaro.
iskahorimaad1  1. Is qaabilidda ay is qaabilaan laba kooxood oo qilaaf ka dheexeyo. 2. Isburin. iskahorimaad2  Laba shay oo iskaga soo horjeeda si toos ah. iskayeelyeel1  ld isyeelyeel¹. iskayeelyeel2  ld isyeelyeel². iskayeelyeelid  ld isyeelyeelid.
iskayl heerkul  (fiis.) Susunka qiimayaasha ee u taagan heerkul. Susunka noocani ah waxa la helaa, sida badan, in la doorto labo barood oo maguuraan ah; taas oo inta u dhexeyso loo qaybiyo qayb-hoosaadyo ku salaysan hab laysku raacay. Tusaale ahaan iskaylka Selsiyas waxa uu leeyahay 9 qaybood oo u dhexeeya (0° C) barta dhalaashanka ee biyaha iyo (100° C) oo ah barta karka ee biyaha.
iskhilaaf1  ld ikhtilaaf¹. iskhilaaf2  ld ikhtilaaf². iskhilaafid  ld ikhtilaafid.
iskool  Meel dhisan oo ardada tacliinta lagu baro; dugsi. ld iskuul.
iskooris  Wiil yar oo aan helin xanaano waalid ama dad kale oo isagu naf-naftiisa isbarbaarshay.
page : 32 of 43
<< < 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 > >>