Ereyga Maanta: gurguurto
koorib  Nooc ka mid ah jarta la ciyaaro.
koorid  eeg koor².
koorin  eeg koori.
koorkoox  ld kooxkoox.
koorniya  (c.nafl ) Dabool ilays gudbiye ah oo ku yaalla kubbadda isha xaggeeda hore. Waa isbedel socda oo ka yimaadda ilxaydha.
koorrib  Kuul madow oo quraarad ah.
koos  1. Dabaylaha lagu dhoofo oo ka yimaada koonfurgalbeed. 2. (-sas, m.l) Gobol; dhul.
koosaar1  Hilib, caano, subag iwm oo cuntada la cunayo lagu iidaanto. ld goosaar¹. koosaar2  Cunto iidaan ku darid. ld goosaar². koosaarad  ld goosaarad.
koosaaran  Wax la koosaaray ahaansho. ld goosaaran.
koosaarasho  eeg koosaaro. ld goosaarasho.
koosaarid  eeg koosaar². ld goosaarid.
koosaarnaan  eeg koosaaran. ld goosaarnaan, goosaarnaansho, koosaar-naansho.
koosaarnaansho  ld koosaarnaan.
koosaaro  Cunto koosaar ku darsasho. ld goosaaro.
koosayn  eeg koosee.
koose  Orodka ugu gaaban ee farduhu ku ordaan.
koosee  Si aayar ah u ordid (faras).
koostik-bootash  (kiim.) Kaaliyam haydarogsaydh, KOH.
koostik-soodha  (kiim.) (Naatriyan haydarogsaydh). Adke cad oo sayax-milme ah una habaysan duneed, ilays gudbintiisuna liidato. Milanka uu ku jiraa waa alkali xooggan waana gudbiye-milme.
kootali  Nin aan ilaah iyo Nabigiisa rumaysnayn.
kootalinimo  Kootali ahaansho (nin).
kootaliyad  Haweeney aan Ilaah iyo Nabigiisa rumasnayn.
koow  ld kow.
koowaad  1. (t.j) Lambarka tirada jagaalada ah ugu horreeya. 2. (-dyo, m.dh) Halbeeg. ld koobaad, kowaad.
koox  1. Tiro isku duuban oo aan badnayn. 2. (muus.) Dad badan oo aaladaha la afuufo ama la garaaco ee muusikada yeeriya. 3. Dad badan oo ciyaartoy ah oo kubbadda nooc ka mid ah ciyaara.
koox-amayno  (kiim.) Iskudhis leh kooxda - NH -halkaas oo atamka naytarojiin aanu ku dheggeneyn kooxo kaarbonayt ama atamyo kale oo haydarojiin ah. Ururku waa kooxda amayno.
koox-kaarbogsayl  (kiim.) Kooxda orgaanikada ee - COOH, taas oo laga helo kaarbogsilik asiidhada.
kooxaha dhiigga  (baay.) Noocyada farabadan ee dhiigga dadka loo kala sooco. Waxay ku xidhan tahay joogista iyo maqnaanshaha qaar ka mid ah borootiinnada (lid jidh-dhaliyayaal) unugyada cascas guudkooda. Koox dhiiggoodu waxa uu ka koobanyahay lid jidh-galayaal ku jiramuudka kaas oo ka hor yimaadda lid jidh-dhaliyayaasha kooxaha kale.
page : 59 of 73
<< < 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 > >>