Ereyga Maanta: sibirayn
korjoogeyn  eeg korjoogee. ld korjoogteyn.
korjoogtee  ld korjoogee.
korjoogteyn  ld korjoogeyn.
korjoogto  Col yar oo col weyn dusha ka ilaaliya.
korme  Faras qoor ah oo loo reebo in uu fardaha boodo.
kormeer1  Baaris iyo ka warqabid hawl iwm socodkooda iyo baahidooda. kormeer2  Hawl iwm socodkooda u kuurgelid. kormeere  1. Qof ay hawshiisu tahay inuu wax soo kormeero. 2. Askari darajadiisu ka korreysa saddex alifle kana hooseysa xiddigle.
kormeerid  eeg kormeer².
kornayl  Derajo askareed ah gaashaanledhexe ama gaashaanle-sare.
korneylnimo  Korneyl ahaansho.
korniimo  Kobaca iyo weynaanta ay nafley marto. ld korniin, korriimo, kor-riin.
korniin  ld korniimo.
koro  Wax sugid.
korobaxo  Xoolaha intooda aan irmaaneyn.
korolla ilaacayaal  (bot.) Laacayaasha ubaxa. Wuxuu ku wareegsan-yahay faxal sidaha iyo aarballada.
koromatidhyo  (baay.) Xidhmo dun oo kala ah oo ka somaysantay koromosoom xilliga wejiyada hore ee qaybsanka unug-ga.
koromatiin  (baay.) Walaxda ay koromosoomyadu ka samaysan yihiin. Waxay ka kooban tahay borotiinno (gaar ahaan histoono), DNA iyo waxoogaa yar oo RNA ah.
koromosoom  (baay.) Dhisme dun oo kale ah oo laga helo bu'da unugyada dhirta iyo naflayda . Koromo-soomyadu waxay ka koobanyihiin koro-matiin, waxaanay qaadaan hiddo-sidaha, kaasoo suga astaamaha noolaha.
koromosoom-jinsi  (baay.) Korokosoomyada xukuma xaya-waanka dhalanayaa lab iyo dheddig midka uu noqonayo. Waxay ku leeyihiin bu'da hal sinji lammaane koromosoomo oo isku kaan ah.
koron  Rati la dhufaanay. ld koran.
koronkor1  Sabuul meseggo oo iniinihiisu caanacaano yihiin oo aan weli bislaan. koronkor2  Mesego la kariyay, iyadoo aan la shiidin; cambuulo. koronkoraysad  ld koronkoraysasho.
koronkoraysasho  eeg koronkorayso. ld koronkoraysad, koronkoraysi.
koronkoraysi  ld koronkoraysasho.
koronkorayso  1. Badar karsamaya qaar gurasho. 2. Badar koron-kor ka dhigasho.
koronkorro  Ayaxa dhashiisa aan weli duulid baran.
korontayaqaan  Qof yaqaan farsamada korontada.
koronto  1. Qeyb cilmiga fisikada ka mid ah oo isku dhaf ah oo loo yaqaan danab, loona isticmaalo quwad dhalin sida guryo ifinta, karinta, waraabka iwm. 2. Danabka lafteeda.
page : 61 of 73
<< < 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 > >>