Ereyga Maanta: garbis
kooxayn  eeg kooxee. ld kooxays.
kooxays  ld kooxayn.
kooxee  Koox koox ka dhigid.
kooxkoox  Wax qaybo-qaybo u kala qaybsan. ld koorkoox.
kor1  1. Meel sare; dul. 2. Wada jirka xubnaha nafleyda, madax, gacmo, lugo iwm; oogo; jir. kor2  1. Nafley markii fil ku kordhaba weynaan iyo dherer yeelasho. 2. Meel sare lug ku fuulid ama wax dusha ka fuulid. kor-ood  Meel beerta dhinaceeda laga oodo oo xoolaha la daaqsado marka jiilaal la gaaro; oodan.
korad  ld korasho.
koran  ld koron.
koranwaa1  1. K. ah: sugiwaa; dhawriwaa. 2. ld koranwaayid. koranwaa2  Sugid waayid; dhawriwaayid. korasho  eeg koro. ld korad.
kordhi  Wax hore loo hayey wax ku sii darid; badin.
kordhid  eeg koror².
kordhin  eeg kordhi. ld kordhis.
kordhis1  ld kordhin. kordhis2  Khudaar la cuno oo ka baxda dhul-beereedka, meelaha carro-madowga ah, waqtiga roobka. kordhisasho  eeg kordhiso.
kordhiso  Wax horey loo hayey wax ku darsasho.
kordhiye  (fiis.) Qalab kordhiya itaalka sinyaala danabeed sida codka oo tamar dheeraad ah ka soo dheegata il danab kale.
kore1  ld korow. kore2  Meel sare ku sugan; korreeya. kori  1. (f.g) Wax dhashay ama yar dheefin si uu u weynaado. 2. (f.mg) Ka k.: nafley dhibaato ka nabad-gelin (Ilaah).
korid  eeg kor².
korin  eeg kori. ld koris.
koris  ld korin.
koritaan dhaqaale  (dhaq.) Koritaan warshad ama dhaqdhaqaaq dhaqaale, wax kordha lacagta ku baxda iyo wax-soo-saarka.
korjad  Harag iwm oo labaatan xabbo ah.
korjoog  1. Taagnaanta cid fadhida ama bugta la dul taagnaado. 2. Ilaalo.
korjooge  Cid dusha ka ilaalin; gaarhaye.
page : 60 of 73
<< < 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 > >>