Ereyga Maanta: geedamaal
kookas  (baay.) Nooc bakteeriyada ka mid ah oo qaab dhulu-lubaysan leh.
kooke  Qof cunto kariska si fiican u yaqaan.
kookeyn  (daaw.) Alkolooyd laga sameeyey caleenta geedka loo yaqaan kooka (erythroxylon coca) amaba shaybaarrada lagu diyaariyo, waxa loo isticmaalaa dawo suuxiso meel kooban ee jirka, sida: qalliinka isha, dhegta, sanka iyo cunaha.
kool  Ammaan; faan.
koolestarool  (daaw.) Isterool badankeeda laga helo nudaha xayawaanka iyo qaar ka mid ah dhirta sare iyo aljiga. K.ka waxaa laga nuugaa mindhicirka yar ama waxaa lagu sameeyaa beerka. Naasleyda sare waxaa laga helaa dhiigga, waxaanay kaalin weyn ka ciyaartaa qaadidda duxda iyo soo saaridda horomoonada.
kooli  Cid ammaan u jeedin.
koolin  eeg kooli. ld koolis.
koolis  ld koolin.
koolkooli  Ilmo yar si gacalo leh u barbaarin.
koolkoolin  eeg koolkooli. ld koolkoolis.
koolkoolis  ld koolkoolin.
kooma  Miyirbeel.
koombo  Weel yar oo bir ka samaysan oo wax lagu cabbiro ama biyaha la darsado.
koon  Duni.
koonbiro  Milxiisad.
koone  Laba xarriiqood meesha ay isugu yimaadaan dhinaca dibadda ah.
koonfur  ld koofur.
Koonfurta Ameerika  (Juqr.) Koonfurta Ameerika ama Ameerikada koonfureed waa qaarad ku taalo koonfurta ameerika. Waxaa ku yaala 10 wadan oo kala ah. (Fanansuwela - Caasimadda: Karakas (Caracas)) (Barasiil - Caasimadda: Barasiliya (Brasília)) Arjantiina - Caasimadda: Bonisaras (Buenos Aires)) (Boliifia - Caasimadda: Labaz (La Paz)) (Ikwadoor - Caasimadda: quweto (Quito)) (Beru - Caasimadda: liima (Lima)) (Kolombiya - Caasimadda: Bogota (Bogotá)) (Baraguay - Caasimadda: Asanasiyoo (Asunción)) (Uruguay - Caasimadda: Montafiidyoo (Montevideo)) (jili - Caasimadda: Santiyeego (Santiago))
koor1  Dhar adag oo culus oo raggu qaarka sare ka qaataan oo dhaxanta laga geshado, laguna xarragoodo; jubbad. ld koodh. koor2  Dawan geed laga qorey oo xoolaha qoorta loogu xiro. koor3  1. Ciyaar turub (shanboollo), nin inuu wada qabto turubka oo dhan ballan qaadid. 2. Koorabixis adeegsasho. koorabixis  Bir dhuuban, daab xooggan leh oo weelasha lagu xordo.
kooraggooye  Nin fuulitaanka fardaha aad u yaqaan.
kooraggooyennimo  Kooraggooye ahaansho (nin).
kooraqore  Nin farsamaynta kooraha ku wanaagsan.
koorasaar  1. Midab madow oo neef ido ah dusha uga yaal. 2. Duudka fardaha meesha kooraha la saaro.
koorayn  eeg kooree.
koore  Shey badanaa idiin (harag la megdey) ka sameysan oo la saaro fardaha iyo baqlaha, si marka la fuulo fadhigu raaxo u yeesho.
kooree  Koore saarid (Faras, baqal).
koori  Koor yeerid.
page : 58 of 73
<< < 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 > >>