Ereyga Maanta: khawaafad
koroomiyam  (kiim.) Bir ka tirsan curiyeyaasha kalaguurka ah, dabiici ahanna u jirta koromayt. Waxay aad ugu badantahay dalka Simbaabwi.
koror1  Inta, wax ku darsanta. koror2  (kiim.) Isbeddel togan ama taban ee ku dhaca doorsoome. Koror guud ahaan waxaa loo isticmaalaa micno ahaan isbeddel yar. koror3  1. Wax is khordin. 2. Ku k.: wax, wax kale ku darid. kororsad  ld kororsasho.
kororsasho  eeg kororso. ld kororsad, kororsi.
kororsiimo  Waxa ku siyaada wax horay u jiray
kororso  Wax kororsiimo ku darsasho.
korow  Jaadadka daanyeerka mid ka mid ah oo yaryar aadna u fudfudud; kore.
korran  Wax la koriyey ahaansho.
korranaan  eeg korran. ld korra-naansho.
korranaansho  ld korranaan.
korrayn  eeg korree.
korree  Meel sare ku sugnaan.
korriimo  ld korniimo.
korriin  ld korniimo.
korsaar1  1. Wax la iibinayo faa'iidada laga helo. 2. Dhinacdhow. korsaar2  1. Sahay yar oo awrta rarkeeda dheeraad ku ah. 2. Raar aqalka miyiga dhalada laga saaro; dhalo-saar. 3. K. ah: sidiq. korsaar3  1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Wax, wax kale ka kor marin. 2. (f.mg) U k.: badeeco iwm faa'iido saarid. korsaaran  Wax, wax kale dushiisa yaalla ahaansho.
korsaarid  eeg korsaar².
korsaarnaan  eeg korsaaran. ld kor-saarnaansho.
korsaarnaansho  ld korsaarnaan.
korsad  ld korsasho.
korsasho  eeg korso. ld korsad.
korshirix  1. Neef korka ku leh baro midabo ah. 2. Xoor barobaro leh.
korsii  Cid meel sare fuulin.
korsiin  eeg korsii.
korso  Nafley yar xannaanaysasho si ay u korto.
korsocod  1. Faa'iidada laga helo ganacsiga. 2. Lacag laysku dhigto marka turub la cayaarayo oo bannaanka ka ah wixii lagu ciyaarayey. 3. Dad dhex-dhexaadiya laba qolo oo dagaashan.
page : 62 of 73
<< < 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 > >>