Ereyga Maanta: xasaw
korsocoto  Socoto reero u marti ah.
korsooh1  Xarig seddex raab oo laysku tidcay ka samaysan. korsooh2  Xarig hab saddex lugood ah u tabin. korsoohid  eeg korsooh².
kortag1  Aadidda la aado meel xoogaa durugsan si loogu kaadsho ama saxaroodo. ld kortegid. kortag2  1. Kaadi ama saxaro meel durugsan u aadid. 2. Ka k.: dad meel joogey oo aan ku ogeyn si kedis ah ugu tegid. kortegid  eeg kortag².
korubooddo  Nooc ka mid ah jarta la ciyaaro oo si god ka bood ah la isugu cuno.
koryaal  Qumbe ligligii laga gooyey oo haruub loo yeelay.
koryeeri  Bas.
kosayn  1. (xis.) Fansaan tirigonoomeeteri ee xagal. Kosayska xagal + (cos+) ee saddexagal qumman waa saamiga dhinaca la deriska ah xagasha + iyo shakaalka. 2. Absiisaha bar ku taalla goobo halbeeg ah marka laga hadlayo habdhiska kulannada laydi.
kotaanjant  (xis.) Fansaar tirigonoo-meeteri ee xagal, kaas oo la mid ah ro-gaalka tanjankiisa.
kow  Lambarka tirada laga billaabo oo labada ka horreeya; hal, mid; “1”. ld koow.
kowaad  ld koowaad.
kowk  (jool.) Adke aan cufnayn oo burbura midabkiisuna yahay boor oo ay ku jiraan ilaa 80% kaarboon ahi. Waa hadhaaga la helo marka la samaynayo neefta dhagax-dhuxuleedka. Waxa kale oo laga diyaariyaa dhagax-dhuxuleedka oo lagu shido heerkul hoose.
kowrax  Hilib iwm oo inuu suyaco looga baqayo dabayl u dhigid.
kowraxsan  Hilib wax la kowrixiyay ahaansho.
kowrixi  Hilib kowrax ka dhigid.
kowrixid  eeg kowrax.
kowrixin  eeg kowrixi.
kowsad  ld kowsasho.
kowsasho  eeg kowso. ld kowsad, kowsi.
kowsi  ld kowsasho.
kowso  Tiro bilaa-basho.
koxdin  Xiddig naafaha ka mid ah, oo u dhexeysa majinta iyo dirirdayga.
koyto  Dad yimid oo degey dhul aanay ku dhalan.
ku1  Magacuyaal layeele oo tilmaama qofka labaad ee kelida ah, oo lala hadlayo. ku2  (kuwo, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo cid ama wax maqan tilmaamaya. Tus. “ Maanta ku aan isku fasal ahayn baan arkay”. ku³ h (nax.) Qurub la isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira wax ama meel gudohooda fal uu ka dhacayo. Tus. “Biyaha weelka ayay ku jiraan”; b) qurub la xiriira wax ama qof uu fal taabanayo. Tus. “Kursigii ayuu ku fadhiyaa”, “Xarigga geedka ku xir!”; c) qurub la xiriira wax wax lagu qabsado. Tus. “Qalinka wax ku qor!”; d) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”. ku dhalasho  (baay.) Xaalad qof ku dhasho sida badanna uu waalidka ka dhaxlay.
kub  Cagta iyo lowga xubinta u dhexeysa.
page : 63 of 73
<< < 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 > >>