Ereyga Maanta: garbis
kaligitaliye  1. Qof madax ah oo aan talada cid kale wax ka siin. 2. Qof madax adag. ld keligitaliye.
kaligitashade  Qof arrimihiisa aan cid kale la tashan. ld keligi-tashade.
kaligoodtashadayaal  eeg kaligi-tashade. ld keligoodtashadayaal.
kaliil  Xilliga roobka gu'bilawdo ama roobka dayreed oo hawadu aad u kululaato.
kalitashad  Dabeecad qof leeyahay oo aan cid la tashan. ld kalitashi, kelitashad, kelitashi.
kalitashi  ld kalitashad.
kalkaal1  Gargaar; kaalmo; taageero; waxtar. kalkaal2  Cid taageero u fidin ama wax tarid. kalkaalid  eeg kalkaal².
kalkaaliso  Qof dumar ah oo loo tababbaray inay kaalmeyso dhakhtarrada.
kalkaaliye  Nin loo tababbaray inuu kaalmeeyo dhakhtarrada.
kalkaggeeddi  K. ah: qof socdaal raba hiyikaca ku dhaca.
kalkoon  Miro yicibeed oo dhilan.
kalkoosh  Suun ballaaran oo xersi ka lusha oo dhallinta shirta ciyaartaa qoorta ku xirtaan.
kalkulas  (xis.) Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto xigidda iyo abyinaynta fansaarada iyo mawaadiicda la xiriira. Waxaana loo qaybiyaa kalkulas abyineed iyo kalkulas xigsinayd.
kalkulas-abyineed  (xis.) Qayb ka mid ah kalkulaska ee lagu barto abyinaynta iyo adeegsigiisa. Waxa lagu dabaqaa raadinta bededka, mugagga, dhererrada xoodka ama furfurista xigsineed.
kalkulas-xigsineed  (xis.) Waxa ay la xiriirta dhakhsaha isbeddelka ee fansaaro marka loo eego isbeddellada ku dhaca doorsoomaha madax bannaan. Waxa ay ka soo ifbaxday dhibatooyinka la xiriira soo saaridda taabteyaasha xoodka.
kallah1  Ka tegidda aroor hore, meel laga tago; jarmaad. ld kallahaad, kallaho. kallah2  Aroorta hore meel ka tegid. kallahaad  ld kallah¹.
kallahid  eeg kallah². ld kallihid.
kallaho  ld kallah¹.
kallahsan  Wax aroor hore soconaya ahaansho.
kallahsanaan  eeg kallahsan. ld kallahsanaansho.
kallahsanaansho  ld kallahsanaan.
kalleeti1  1.Gantaal xoog leh oo kaadi ama biyo oo meel durugsan gaara. 2. Istaagga oo lagu kaadsho. ld talleeji, tallooji. kalleeti2  Ku k.: kaadi ama wax la mid ah, oo si ganid ah, u sii dayn. kalleetiyid  eeg kalleeti².
kalli  (c.nafl.) Dhisme ka kooban dhuumo kuwaas oo gudbiya dareerayaasha. Dhinaca dhirta dareerayaashu waa biyo, milanno ka samaysan cusbooyin aan orgaanik ahayn ama milanno cunto ah. Dhinaca xayawaanka dareerayaashu inta badan waa dhiig, ama dhiig iyo limf dhinaca lafdhabarleyda.
kallif1  Wax fulintoodu ay dhib tahay.
page : 21 of 73
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>