Ereyga Maanta: gurguurto
kalabbax3  1. Laba shay oo isku jiray kala miirmid. 2. Laba shey ama ka badan oo isku jiray kala furmid. 3. Derin, maro iwm kala siibmid. 4. Kala tegid. kalabbaxsan  Wax kalabbaxay ahaansho.
kalabbaxsanaan  eeg kalabbaxsan. ld kalabbaxsanaansho.
Kalabbaxsanaansho  ld kalabbax-sanaan.
kalabbaxsasho  eeg kalabbaxso.
kalabbaxso  Wax duubnaa kala fidsasho.
kalabbayr  Meel laba dhabbe ama xarriiqood isku weydaartaan.
kalabbixi  1. Wax isku jirey kala saarid. 2. Badar shiidan budo iyo jariir u kala saarid.
kalabbixid  eeg kalabbax².
kalabbixin  eeg kalabbixi. ld ka-labbixis.
kalabbixis  ld kalabbixin.
kalabbixiye  (c.nafl.) Noole ka hela tamarta burburka kiimikeed ee noolayaal dhintay ama qashinka dhirta. Tusaale ahaan: dirxi dhuleed, fangiga iyo bakteeriya fara badan.
kalabbood1  Khilaaf; ismaandhaaf. kalabbood2  1. Figrad, dood iwm isku khilaafid. 2. Bur iyo biyo u kala bixid (caano) kalabboodid  eeg kalabbood².
kalabboodsan  Wax kalabbooday ahaansho.
kalabboodsanaan  eeg kalabboodsan. ld kalaboodsanaansho.
kalabboodsanaansho  ld kalabood-sanaan.
kalafuji  Wax isku dhegganaa labo u kala qaadid.
kalafujin  eeg kalafuji. ld kalafujis.
kalafujis  ld kalafujin.
kalafuq1  Is dayn laba shay oo isku dhegganaa is daayaan. kalafuq2  Wax is-haystay is dayn. kalafuqid  eeg kalafuq².
kalafuqsad  ld kalafuqsasho.
kalafuqsan  Wax kala fuqay ahaansho.
kalafuqsanaan  eeg kalafuqsan. ld kalafuqsanaansho.
kalafuqsanaansho  ld kalafuqsanaan.
kalafuqsasho  eeg kalafuqso. ld kalafuqsad, kalafuqsi.
kalafuqsi  ld kalafuqsasho.
page : 18 of 73
<< < 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 > >>