Ereyga Maanta: garbis
kaftanlow  Qof kaftan badan.
kafuufo  1. Dhibaato ka dhalata cunto la iska badiyey. 2. Gaajo; faqri.
kahad  ld kahasho.
kahasho  eeg kaho. ld kahad, kahsad, kahsasho, kahsi¹.
kaho  Wax karaah-sasho. ld kahso.
kahortag  (daaw.) Hab walba oo looga hortago cudurrada, sida: tallaalka gawraca-tada iyo kixda, ama falooreynta oo looga hortago suuska ilkaha caruurta.
kahortagga-cudurrada  (daaw.) Qaybta dawada ee hawsheeda ugu weyn ay tahay ka hortagga cudurrada; waa qayb ballaaran oo shaqaaluhu ku hawlanyahay xalka mas'alado ka dhexeeya tallaalka liddiga ku ah cudurrada la isqaadsiiyo sida gawracatada, kixda iwm. Ilaa helitaanka habab lagu baabi'iyo qaadayaasha (gudbiyayaasha) cudurrada, sida kaneecada gudbisa deriskunoolka duumaada.
kahsad  ld kahasho.
kahsi1  ld kahasho. kahsi2  (daaw.) Xaalad uu jidhku ku soo saaro jawaab ah kabbax an caadi ahayn qaar ka mid ah lid jidh dhaliyayaasha oo la yidhaahdo allarjiino, kaas waxa ka mid ah boodhka, faxalka, cuntooyinka qaarkood iyo dawooyinka ama dhogorta. kahsitire  (daaw.) Dawo joojisa falka “istamiinka” ayadoo dabooleysa meelaha ay qabsato.
kahso  ld kaho.
kajamid  eeg kajan².
kajan1  Hadal beeni ku jirto oo kaftan iyo ciyaar u eg. kajan2  Ku k.: cid ku jeesjeesid. kakabi  1. Wax dirqi meel ciriiriyoon ku gelin. 2. Ku k.: xoolo iwm cayrin.
kakabin  eeg kakabi. ld kakabo.
kakabo  1. Cayrinta lagu cayriyo wax meel ciriiryoon. 2. Cayrinta wax meel lagu cayriyo. ld kakabin.
kakan  Wax adag ahaansho.
kakanaan  eeg kakan. ld kaka-naansho.
kakanaansho  ld kakanaan.
kakanaanta beerka  (daaw.) Xaalad beerku buko oo ay ka dhex sameysmaan karrimo sooh mayraxeed ah kuwaasoo ay ku dhex yaallaan jasiirado ka sameeysan unugyo soo badanaya oo beddalaya kuwi dhintay. Beerku wuxu yeeshaa midab hurdi madow ah iyo kuus-kuus.
kakoon  Sacab aan buuxin.
kal1  1. Waa; goor; sano. 2. Miile. kal2  1. Hiyi; laab; qalbi. 2. Lafaha dhudhammada midkood. 3. Tibta mooyaha wehelisa ee badarka lagu tumo ama awrta lagu raro. 4. Meel ballaaran oo biyuhu galaan. kal3  (jool.) Qayb ka mid ah taxanaha waqti jiyoolojiyeedka, oo ah in ka mid ah waaga, kal naftigiisa waxaa loo sii qayb-qaybiyaa saman-saman. kal-dibadeedka dhudhunka  (c.nafl.) Kalka xagga dibedda xiga ee dhudhunka. kale s. 1. Dheeraad ah, aan la mid ahayn. 2. Oo k.: sidiis, camal. Tus. “Waa aabbihiis oo kale”. ld aleto. kaleto s. ld kale.
kal-xawaaji  Kal yar oo xawaajka, haylka iwm lagu tumo.
kala  1. Qurub tilmaamaya wax ka durkid ama ka soocmid. Tus. “Way kala tegeen. Kalluunka yaa kala yaqaan?”. 2. Qurub tilmaamaya ka gooni ahaansho. Tus. “Way kala fiicanyihiin”.
kala-dheereynta-dhalmada  (daaw.) Ka hortagidda uur qaadidda lama filaanka ah.
page : 16 of 73
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>