Ereyga Maanta: gurguurto
kalatag1  Kala guuridda ay kala guuraan dad wada noolaa khilaaf awgiis. ld kalategid. kalatag2  1. Wax wada joogay ama meel ku wada dhaqmayey qaarba doc aadid. 2. Nin iyo naag is qabey is furid. kalategid  eeg kalatag². ld kalatag¹.
kalax  1. Weel badanaa qori ka sameysan oo biyaha lagu cabbo. 2. Bocool weyn oo berriga laga helo.
kalaxayad  (fiis.) U kalabbaxa dhud ileys ee dhudo midabeysan oo u baaha si ay u sameeyaan muuqaal jeegaan.
kalaxayasho  eeg kalaxayo.
kalaxayo  Aryo isku jira oo xeroonaya ayadoo ayan cidi kala soocin, xeryahooda kala aadid.
kalaxigsad  ld kalaxigsasho.
kalaxigsasho  eeg kalaxigso. ld kalaxigsad, kalaxigsi.
kalaxigsi  ld kalaxigsasho.
kalaxigso  Labo qof oo wax isku haysta midkood u hiillin.
kalbaa  Caano lo'aad oo fadhi ah oo inta la adkeeyey biyihii laga miiray.
kalbad  ld kelbed.
kalbax1  1. K. ah: qof daacad ah. 2. ld kalbixid. kalbax2  1. Bila dhameysad. 2. Si niyad furan ula hadlid (cid). kalbixid  eeg kalbax². ld kalbax¹ (2).
kaldambeed  Inta ugu dambeysa xilliga jiilaalka.
kaldhaash  Barbaro waaweyn, cad cad oo lo'du garbaha iyo wejiga ku yeelato.
kaldhal  K. ah: neef kol keliya dhalay; marcurad.
kaldheer  Lafaha dhuuxa leh ee dhaadheer middood.
kaldho  1. Caws caleemo dhaadheer, dun adag oo laga sameeyo rarada. 2. Maqaar lo'aad qallalan oo la goglado.
kalfadhi  Fadhi waqti cayiman la qabto oo looga hadlo arrimo muhiim ah.
kalgacal  Rabitaan iyo qaddarin qoto dheer oo cid loo hayo. ld kalgacayl.
kalgacayl  ld kalgacal.
kalgal  Habka ay curiyayaasha kiimikadeed ay u nidamsan-yihiin.
kalhoraad  Dhammaadka gamashiga, waqti ugu horreeya waraabka xoolaha.
kalhuuris1  (daaw.) Muddada u dhexeysa marka qof jeermi qaado iyo marka lagu arko astaanta ugu horreysa ee cudurka. kalhuuris2  Xilliga u dhexeeya marka ukunta la dhalo ilaa inta ay ka dillaacayso. kali  ld keli².
kali-talis  (siyaa.) Dawlad keli talis ah, waa nidaam dawladeed ee xisbi keliya waddanka xukumo, oo aan u oggoleyn kooxo ka soo horjeesta.
page : 20 of 73
<< < 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 > >>