Ereyga Maanta: gurguurto
kalafuqso  Wax is-haystay kala dillaacsasho.
kalagal  Meesha ay cadduunka iyo buuraleydu iska galaan.
kalaggoyn  (xis.) Asto (-). Xisaabfalka labaale ee lagu helo faraqa u dhexeeya laba tiro ama xaddi. Kalaggoyntu waa waydaarka isugeynta.
kalaggoys  1. Labo xubnood oo lafo leh meesha ay iska haystaan; laabato. 2. Laba waddo meel ay iska gooyaan.
kalaggurad  ld kalaggurasho.
kalaggurasho  eeg kalagguro. ld kalaggurad.
kalagguris  ld kalagurid.
kalagguro  1. Wax isku jiray ama isu dhowaa kala qaadasho. 2. Shax, jare iwm oo la kala badin waayey kala qaadasho. 3. Laba wax oo foodda is kula jiray dib u kala fogaasho.
kalagguur1  1. Labo reer kala guurid-dooda 2. K. ah: isbeddelka xilliyada, marxaladaha iwm. kalagguur2  1. (daaw.) Cudur caruurta ku dhaca oo madax weyneeya. 2. (baay.) Heerka saddexaad ee qaybsanka unugga. kalagguur3  1. Laba reerood ama qof oo wada degganaa midba dhan u guurid. 2. Xilli isbeddelid. kalagguurid  eeg kalagguur³. ld kalagguuris.
kalaqaad1  1. Bushimo, baalasha, indha-ha, iwm oo isku dhegganaa oo la kala fogeeyo. 2. ld kalaqaadid. kalaqaad2  1. Wax isku jirey kala soocid. 2. Af, indho iwm kala furid. kalaqaadid  eeg kalaqaad². ld kalaqaad¹ (2).
kalasaar  1. Wax isku jirey kala soocid. 2. Hadal, fikrad iwm oo la garan waayey caddeyn. 3. U gar qaybin (cid).
kalasaarid  eeg kalasaar.
kalasarree  1. Wax, wax kale korkiisa saaran ahaansho. 2. Qof, qof kale ka derejo sarreeya, ahaansho. 3. Waxaan isku dherer ahayn ahaansho (dhul).
kalasarreyn1  eeg kalasarree. ld kalasarreys. kalasarreyn2  (juqr.) Faraqyada kac-sanaanta meel kasta oo dhulka dushiisa ka mid ah. kalasarreys  ld kalasarreyn.
kalasooc1  1. Wax kala jaad ah oo isku darsan oo intii is lehba gooni loo saaro. 2. ld kalasoocid¹. kalasooc2  Wax kala jaad ah oo isku darsan intii is lehba gooni u saarid. kalasoocan1  Wax isku jaad ahaa oo la kalasaarey noqosho. kalasoocan2  Wax la kalasaaray ama la kala gooyay ahaansho. kalasoocid1  eeg kalasooc². ld kalasooc¹ (2). kalasoocid2  (baay.) Habaynta noolayaasha iyada oo loo kala qaybinayo kooxo taxane ah, laguna salaynayo fisiyoolajigooda, anatamigooda, bayokiimiko ahaan ama xidhiidho kale oo ka dhexeeya. kalasoocmid  eeg kalasoocan¹.
kalasoocnaan  eeg kalasoocan². ld kalasoocnaansho.
kalasoocnaansho  ld kalasoocnaan.
page : 19 of 73
<< < 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 > >>