Ereyga Maanta: tafantoof
kala-durug-qaaradeed  (jool.) Kala sikashada gudubka qaybo ka mid ah qaaradihii hore, kuwaas oo sameeyay dhul-weynaha qaaradaha dunida ee maanta.
kala-faa'iidaysi  (baay.) Xidhiidhka ka dhexeeya laba ama in ka badan oo sinjiyo ah, kaas oo labaduba ka faa'iidaysanayaan. Mararka qaarkood labada sinji midna ka kale la'aanti ma noolaan karo, mararka qaarkoodna midba ka kale la'aantii wuu noolaan karaa.
kala-furan  (kiim.) Dumid ku dhacda molikuyuul una kala furta laba molikuyuul, laba atam, laba xididshe ama laba ayoon.
kala-hanqaaran1  Wax kala lumay oo aan dhammayn noqosho. kala-hanqaaran2  Wax kala lumay oo aan dhammayn ahaansho. kala-hanqaarmid  eeg kalahan-qaaran¹.
kala-hanqaarnaan  eeg kalahan-qaaran². ld kala-hanqaarnaansho.
kala-hanqaarnaansho  ld kalahan-qaarnaan.
kala-jaad  K. ah: ka kooban noocyo kala geddisan.
kala-jeexid  Jeexid ama qalid noole, si loo muujiyo anatamiga xubnihiisa had iyo jeerna waxa loo adeegsadaa xirfad ahaan iyo aqoon korodhsi ama baadhis cilmi ah.
kala-kaan  (kiim.) Wax la xidhiidha in ka badan hal weji. Iskujir kala kaan ah, tusaale ahaan, wuxuu ka koobanyahay laba ama dhowr weji oo kala muuqda.
kala-rog  (juqr.) Xariiq xuduudeed kacsan oo kala soocda durdurrada waaweyn kuwaasoo laag u ah saxan webiyo kalageddisan.
kalaamidiya  (daaw.) Jeermi u dhexeeya fiiruska iyo baktiiriyada oo jirro u keena dadka iyo shimbiraha cudurrada shimbiraha oo ay keento kalaamidiyadu waxaa loo gudbin karaa dadka, cudurka indhaha ee tarakooma waxa keena “kalaamidiya trachomatis”.
kalaan  Hadal.
kalaankal  Hilib cadad yar yar laga dhigo oo la kariyo.
kalaawi  Hilib la jarjaray dheecaan dab kaga saarid.
kalaawin  eeg kalaawi.
kalabbar1  1. Laba meelood meel dhex dhexaad u ah. 2. Laba qeybood oo isle'eg wax loo qeybiyey qeybtood. 3. Wax muggiisii bar ku jiro. kalabbar2  Labo meelood oo isle'eg u qaybin. kalabbaran1  Weel wax bar ah noqosho. kalabbaran2  Wax laba meelood loo qaybshay ahaansho. kalabbarasho  eeg kalabbaro.
kalabbarid  eeg kalabbar².
kalabbarmid  eeg kalabbaran¹.
kalabbarnaan  eeg kalabbaran². ld kalabbarnaansho.
kalabbarnaansho  ld kalabbarnaan.
kalabbaro  1. Wax kala aqoonsasho. 2. Wax laba qaybood ka dhigasho.
kalabbartan  Dhibicda goobaabida laba isle'eg u qaybisa.
kalabbax1  Kala miirmidda laba waxood oo isku jiray ay kalamiirmaan. kalabbax2  (kiim.) Falgalka kiimikaad ee iskudhis u kala jabiya iskudhisyo ka kooban molikuyuullo fudud.
page : 17 of 73
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>