Ereyga Maanta: jaabajaabeysad
liimo-ugunji  ld liin-ugunji.
liimo-xaali  Liin bambeelmada ka yaryar liin dhanaantana ka waaweyn oo dhadhan macaan leh. ld liin-xaali.
liimonaato  Walax budo ah oo la qaso laiskuna qaras bixiyo.
liin  1. Miro yaryar, kuuskuusan, leh biyo dhanaan oo laga helo fitimiin C. 2. Geedka mirahaasu ka baxaan. 3. Midabka dharka lagu naqshadeeyo. ld liimo.
Liin Bambeelmo  waa midho ka mid ah khudaarta gaar ahaan qoyska liinta. Midhaha geedka liin bambeelmadu waa mid ka weyn dhamaan noocyada kala duwan ee liinta, waxayna leedahay biyo badan oo dhanaan iyo macaan iskugu jira. Liin bambeelmadu waa geed la isku talaalay oo markii ugu horeeysay si shil ah la iskugu talaalay liin macaan iyo geedka Bomelo ee laga helo koonfurbari Aasiya. Gasiirada Barbados ee Kaariibiyaanka ayaa si lama filaan ah nin beeroole ahi iskugu talaalay geedka liin macaanta iyo bomela halkaasi ooy ka soo baxdey liin bambeelmadu.[1] Markii ugu horeeysay ee la arkey waxa ka soo baxay talaalkaasi waxaa loo bixiyey "khudaartii la xaaraantinimeeyay" (forbidden fruit);[2] waxaana loo fahmey ineey tahay bomelo sumoowday.[3] Wadanka Soomaaliya waxaa aad uga baxa liin bambeelmada. Gobolada koonfurta waxay aad ugu caan yihiin beeraha liin bambeelmada iyo muuska oo labadoodaba loo dhoofiyo caalamka.
Liin Dhanaan  waa midho ka mid ah khudaarta oo ka tirsan qoyska liinta. Liin dhanaantu waxay caan ku tahay dhadhankeeda dhanaanka ah iyo biyaha asiidha badan ee laga helo midhaheeda. Geedka liin dhanaantu waa mid waligiis cagaar ah oo ka dherer gaaban geedaha kale ee liinta. Sidoo kale liin dhanaanta waxay aad iskugu dhow yihiin xaga dhadhanka iyo walxaha ay ka samaysan tahay midhaha liin qarbooshta, waxayna kaliya ku kala duwan yihiin midabka cagaaran ee liin qarbooshta. Intaas waxaa dheer in liin dhanaantu ka dhanaan badan tahay liin qarbooshta.[1][2] Isla markaana leedahay tiro badan oo nafaqada jidhku u baahan yahay ee fiitamiin-Sii.[3] Guud ahaan, liin dhanaantu waxay ka baxdaa wadamo badan oo caalamka ah, kuwaasi waxaa ka mid ah Soomaaliya, laakiin waxoo u badan yahay dalka Hindiya. Liin dhanaan, waxaa aad looga isticmaali jiray, wadamada aasiya, kumanaan sano ka hor. liinta dhanaan, waa geed mirahiis, oo jaale ama cagaar ah. dhaxda waxee ku leedahay hilibkii liinta, oo ubax camal u sameesan,oona ah biyo dhan ah. liinta waxaa lagu isticmaala Cuntada ama Biyaha cabiyaanka.
liin-ugunji  (bot.) Geed caleemo dhuudhuuban leh, dhala miro kulkulucsan oo midab hurdi ah leh, lana miirto biyaheeda. ld liimo-ugunji.
liinbax1  Mayrmidda dhar iwm midabkoodu mayrmo marka biyo la geliyo. ld dhiinbax¹. liinbax2   Dhar iwm midabkooda dhaqmid marka biyo la geliyo. ld dhiinbax². liinbixid  eeg liinbax². ld dhiinbixid.
liindhanaan  Nooc liinta ka mid ah oo dhadhan dhanaan ah leh. ld liimadhanaan.
liinfoomo   1. (daaw.) Buro daran oo ka baxda qanjirrada liinfada. 2. (daaw.) Kansarka qanjirrada liinfada.
liinmacaan  Nooc liinta ka mid ah oo dhadhan macaan leh; liimo-xaali.
liinxaali  ld liimo-xaali.
liiqliiqad  ld liiqliiqasho.
liiqliiqasho  eeg liiqliiqo. ld liiqliiqad.
liiqliiqi   ld liilliiji.
liiqliiqin  ld liilliijin.
liiqliiqis  ld liilliijin.
liiqliiqo   Wax aan si fiican meel u haysan ruxruxasho.
liire  (dhaq.) Lacag dalal dhawr ah laga isticmaalo ama laga isticmaali jiray sida dalka talyaaniga.
liis   Magacyo badan oo meel ku tixan. ld liisto.
liishaaman   Wax nishaaban ahaansho.
liishaamid  eeg liishaan².
liishaan1  Ku aadinta hub la ridayo meel si waanagsan loogu aadiyo. liishaan2   Wax shiishid. liishaannaan  eeg liishaaman. ld liishaannaansho.
liishaannaansho  ld liishaannaan.
liisto  ld liis.
liitir   Halbeeg lagu cabbiro hooraha una dhigma 1000 senti mitir oo saddex jibbaaran. ld litir.
page : 33 of 46
<< < 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 > >>