Ereyga Maanta: saddex-madaxle
loodsanaan1  eeg loodsan². ld loodsanaansho. loodsanaan2  (fiis.) Astaanta walxaha qaarkood u oggolaata in ay ku noqdaan qaabkoodii salka ahaa marka laga qaado xooggii qaabka walaxda dooriyey. loodsanaansho  ld loodsanaan.
loof1  1. Harraad badan. 2. Lahan; laxaw. loof2   Nafley aad u harraadid. loofar1   Nin maalka si xun u isticmaala ee aan dhaqaalayn. loofar2   Ku l.: maal si xun u isticmaalid. loofarad   Naag maalka aan dhaqaalayn ee si xun u isticmaasha.
loofarid  eeg loofar².
loofarnimo  Loofar ahaansho.
loofid  eeg loof².
loofsan   Wax harraad hayo ahaansho.
loofsanaan  eeg loofsan. ld loofsanaansho.
loofsanaansho  ld loofsanaan.
loog1  1. Martisoor xoolo laysu qalo. 2. Samaanyo. loog2   Marti xoolo u qalid. loogid  eeg loog².
loojika  Caqligal; maangal.
lool1   1. Jaad ka mid ah dhigaha aqalada miyiga lagu dhiso. 2. Dhagax mindiyaha iwm lagu afeeyo. 3. Xarriiq dhulka gudub u gooysa oo la siman dhulbaraha. 4. ld laal¹. lool2   (juqr.) Xarriiq dhigeed ama barka goobooyinka waaweyn midkood, goobooyinkaas oo mara cirifyada, badhahana xaglo quman u gooya; xarriiqaasi ma ahin goobo buuxda maxaa yeelay waxaa jira faraq 80 oo dhig ah iyo waqti 12 sacadood ah oo u dhexeeya labada badh ee goobooyinka waaweyn ee mara cirifyada. lool3   1. Awr si aan toos ahayn awr kale mici ugu dhufasho. 2. Laal ciyaarid. loolad  ld loolasho.
loolasho  eeg loolo. ld loolad.
looli   Mindi iwm afayn.
loolib   Qalab af fiiqan oo aroor dheeri ku wareegsanyahay leh oo loogu talaggalay, in uu dalool dhexda aroor ku leh dhex galo isaga oo wareegaya.
loolid  eeg lool³.
loolin  eeg looli.
loollamid  eeg loollan².
loollan1   Dagaal ama tartan laba quwadood oo iska soo horjeeda ka dhexeeya. loollan2   Wax laysku haysto dagaal ama tartan u gelid.
page : 38 of 46
<< < 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 > >>