Ereyga Maanta: jaabajaabeysad
liitiyam   (kiim.) Bir firfircoon oo fudud oo sida xariirta oo kale ah; waana curiyaha ugu horreeya biraha alkali (ururka I ee tusaha kalgalka curiyayaasha). Waxay ku jirtaa silikeytyo kakan oo badan.
likaaco  Hadal jeesjees ah.
likaacoo   Ka l.: cid ku jeesjeesid.
likaacood  eeg liikaacoo.
likayn  eeg likee.
likaysan   Wax meel ku mudan oo aan dhaqdhaqaaqin ahaansho.
likaysnaan  eeg likaysan. ld likaysnaansho.
likaysnaansho  ld likaysnaan.
like  Geed yar oo dhulka ka soo fooca oo aan caleemo iyo ubax midna yeelan, midabkiisuna guduudyahay, boqoshaaga u eg oo la cuno.
likee   Ka l.: wax meel ka taagid.
liko  U uga dhex muuqda dadka dabeecad gaar ah.
lilan  Dhul mudda badan la daaqay oo xaalufay.
lillaahi  1. Daacadnimo. 2. L. ah: qof daacad ah.
lillaahidarro  Daacad la'aan.
lillahhinnimo  Lillaahi ahaansho.
limad  Falidda dhul beereed sarac ku yaal oo caws iwm laga falay.
liman   Beer wax la limay ahaansho.
limasho  eeg limo.
limf   (c.nafl.) Dareere aan midab lahayn oo laga helo habdhiska limf, kaas oo ka soo shubma meelaha u dhexeeya unugyada. Limfku wuxuu u egyahay balaasmaha dhiigga wuxuuna ka koobanyahay biyo iyo walxo kale oo ku milan, sida cusbo iyo borotiinno.
limfosayt   (c.nafl.) Nooc ka mid ah unugyada cad cad ee dhiigga oo leh bu'ballaadhan iyo saytoobalaasam yar. Limfosaytyadu waxay ku samaysanyihiin gummudka limfka, waxaanay soo saaraan ilaa rubuc ka mid ah unugyada cad cad. Muhimad weyn ayey ku leeyihiin xagga difaaca jidhka, waxaanay masu'uul ka yihiin falgallada ka baxeed marka ay jirto nashaadin lid jidh-dhaliye si loo soo saaro lid jidh-gale.
limid  eeg lin.
limmasho  eeg limmo.
limmo   Dhiiqo darteed la socon waayid.
limnaan  eeg liman. ld limnaansho.
limnaansho  ld limnaan.
limo   Beer harammo ka gurasho.
lin   Beer abuuran haramo ka jarid.
linfogaranuloomo   (daaw.) Cudur ka mid ah cudurrada galmada oo uu keeno kalaamiidiya; wuxuuna ku badanyahay dalalka cimilada kulul leh. Nabarka ugu horreya oo ku dhaca (cawrada) xubnaha galmada waxa weheliya qanjirbararsarcada, xididdada liinfada ee ku yaal xubnaha galmada way xirmi karaan taas oo keenta adkaansho maqaarka meeshaas.
lingax1  ld ningax¹. lingax2   ld ningax².
page : 34 of 46
<< < 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 > >>