Ereyga Maanta: jaabajaabeysad
lisid  eeg lis². ld lis¹ (3), lismo.
lisin  ld lise.
lismid  eeg lisan¹.
lismo  Hab naasaha xoolaha looga saaro caano. ld lismo.
lisnaan  eeg lisan². ld lisnaansho.
lisnaansho  ld lisnaan.
liso   1. Mindi iwm lisin ku afayn. 2. Xoolo maalid.
listan  Xiddigaha raqaha oo dayaxu maro tooda labaad oo u dhexeysa godinta iyo lixaha.
litir  ld liitir.
lix  Tirada shanta iyo toddobada u dhexeysa; “6”.
lixaad1  Tirada jagaale, keeda u dhigma lixda. ld laxaad. lixaad2  1. Xoog, itaal. 2. Baaxad. 3. Lixda l.: indhaha, lugaha iyo gacmaha. lixaadla'  Qof curyaan ah ahaansho.
lixaadla'aan  eeg lixaadla'ld lixaadla'aansho.
lixaadla'aansho  ld lixaadla'aan.
lixaadsad  ld lixaadsasho.
lixaadsasho  eeg lixaadso. ld laxaadsasho, laxaadsi, lixaadsad, lixaadsi.
lixaadsi  ld lixaadsasho.
lixaadso   Xoog yeelasho. ld laxaadso.
lixadhaco  ld lixadhaqo.
lixadhaqo  Xilliga guga qaybtiisa dambe; cawliku-dhashay. ld lixadhaco.
lixdamaad  ld lixdanaad.
lixdameeye  Tiro qiyaas ahaan u dhow lixdan. ld lixdameeyo, lixdaneeye, lixdaneeyo.
lixdameeyo  ld lixdameeye.
lixdan  Tiro ka kooban lix meelood oo min toban ah; lix tobnaad; “60”.
lixdanaad1  Sanadaha u dhexeeya lixdanka ilaa lixdan iyo sagaalka. lixdanaad2  Tirada jagaale, kan lixdanka u dhigma. ld lixdamaad. lixdaneeye  ld lixdameeye.
lixdaneeyo  ld lixdameeyo.
lixee   Tiro lix ka dhigid.
page : 36 of 46
<< < 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 > >>