Ereyga Maanta: gadaalabbar
lixeyn  eeg lixee. ld lixeys.
lixeys  ld lixeyn.
lixeysad  ld lixeysasho.
lixeysasho  eeg lixeyso. ld lixeysad, lixeysi.
lixeysi  ld lixeysasho.
lixeyso   Tiro lix ka dhigasho.
lixkor  1. Xilli diraac ah oo roobab aan badnayn da'aan. 2. Bilaha xilliga diraacda mid ka mid ah.
lixle  1. Xaashi turub oo lix dhibcood leh. 2. Buntuq qafiskiisu qaado lix xabbadood.
lixledheere   Buntuq lixle ah oo dheer.
lixlegaab   Buntuq lixle ah oo gaaban.
lixley  Kataan lix hogood oo shaxeed ku fadhida.
lixlow  Rati lix haamood la saaro.
lixo  ld laxo.
liyuukoosayt   (c.nafl.) Unug aan midab lahayn oo bu'leh, lagana helo dhiigga iyo limfka. Unugyada cad cad ee dhiigga waxa sameeya gumudyada limf iyo dhuuxa lafta ee cas, waxayna awood u leeyihiin inay sameeyaan dhaqdhaqaaq amiibeed. Waxay soo saari karaan lid jidh-galayaal.
lo'  1. Naasley caws ku nool ah oo xoolaha la dhaqdo ka mid ah, leh geeso, sayn dheer, raafaf iyo tuur, lana manaafacaadsado caanaheeda, hilibkeeda, haraggeeda iwm. 2. Koox xiddigo ah oo si xiriir ah isu daba yaal; saco.
lo'doon  Cudur dadka ku dhaca oo neefta lo'da lagu daaweeyo.
lo'gisi  ld gisi.
lo'jir   Qof lo'da ilaaliya.
lo'ley  Dad lo'da dhaqda.
locob  ld collob.
logardam   (xis.) Tiro loo tibaaxay jibbaarka tiro kale tiro kasta x waxa loo qori karaa sansaanka x = ay, taas oo y ay tahay logardamka x ee sal a, logardam waxa loo soo gaabiyaa “log”.
logardam caadi   (xis.) Logardam salkiisu yahay toban tusaale ahaan, log = 2 ama 100 = 10.
logardam nabiir   (xis.) Logardam la adeegsado salka e = 2.71828..., log x badanaaba waxa loo qoraa “lnx”.
lohloh  L. ah: aad u liiqliiqashada ilkaha.
lohod  (c.nafl.) Nafley yaryar, badda ku jirta, jaadad badan leh oo aan lahayn lafo iyo riciro, kuna dhexjirta bacool laba qalbac ah oo la cuno.
loodi   Wax fidsan xoog ku laabid.
loodin  eeg loodi.
loodsamid  eeg loodsan¹.
loodsan1   Wax la loodiyey noqosho. loodsan2   Wax la loodiyey ahaansho.
page : 37 of 46
<< < 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 > >>