Ereyga Maanta: gadaalabbar
loolli   Jar; gebi.
loolo   Mindi iwm afaysasho.
loolsad  ld loolsasho.
loolsan   Wax looliyey ahaansho (bir).
loolsanaan  eeg loolsan. ld loolsanaansho.
loolsanaansho  ld loolsanaan.
loolsasho  eeg loolso. ld loolsad, loolsi.
loolsi  ld loolsasho.
loolso   Mindi, godin, waran iwm af u yeelasho.
loon  Fool.
looshan   Mindi, waran iwm wax la looliyey ahaansho.
looshanaan  eeg looshan. ld looshanaansho.
looshanaansho  ld looshanaan.
loox   1. Qori dheer, dhumuc yar, ballaaran, xalleefsan oo quraanka lagu dhigto. 2. Qori dheer, xalleefsan, oo guryaha lagu dhiso, alaab kalena laga sameeyo.
loox-dhamaanjo  Qori yar oo la qoray oo lagu shubto xabagta dhammaanjada.
loox-dhammaanjo  ld loox-dhamaanjo.
looxad  Sawir gacmeed qiima leh oo ku sawiran waraaq iwm.
looxalmaxfuud  ld looxul-maxfuud.
looxul-maxfuud  Diiwaan muslimiintu ay rumaysanyihiin in lagu qoro waxa adduunka ka dhaca ama ka dhici doona oo idil. ld looxalmaxfuud.
looyaami   Cid nasiino iyo joogsad la'aan wadid.
looyaamid  eeg looyaan².
looyaamin  eeg looyaami. ld looyaamis.
looyaamis  ld looyaamin.
looyaan1  1. Nasiino iyo joogsad la'aan. 2. Xasillooni la'aan; wareer. looyaan2   Nasiino iyo joogsad la'aan ku jirid. looyaansan   Wax socod ku jira ahaansho.
looyaansanaan  eeg looyaansan. ld looyaansanaansho.
looyaansanaansho  ld looyaansanaan.
low   Bowdada iyo kubku meesha ay iska galaan dhankeeda sare; jilib.
lowgal   Cudur jilibka ku dhaca oo biyo geliya.
page : 39 of 46
<< < 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 > >>