Ereyga Maanta: bedertami
togan2  1. Wax la togay ahaansho. 2. (xis.) Wax eber ka badan ahansho. togane1  Tiro xisaabeed oo eber ka badan. togane2  (kiim.) Labada saldanab, isla eg oo walxuhu leeyihiin middood oo aan elektaroonno xambaarsanayn. togasho  eeg togo.
togayo  1. Soocidda. 2. Wax middooda xulka ah.
togid  eeg tog³.
togmid  eeg togan¹.
tognaan  eeg togan². ld tognaansho.
tognaansho  ld tognaan.
togo  1. Xoolo iwm oo meel tuban wax ka doorasho. 2. Xarig iwm jiidasho.
togox  Dhexyaraanta qof dhex yaryahay.
togtogan  Teetano.
tol1  1. Dad xiriir wada dhalasho amo sheegasho ka dhexeeyo. 2. Qaran. tol2  1. Laba wax oo kala go'an ama kala dillaacsan wax is kula qabasho. 2. Hal ilmo diiddey qallacid. tolan1  Liilan dheer oo saamaha laga jeexo oo kabaha lagu tolo. ld tolon. tolan2  Wax la tolay ahaansho. tolay  Weel qabo (geed), caw, argeeg iwm ka samaysan. ld tolayo.
tolayn  eeg tolee.
tolayo  ld tolay.
tolee  Wax tolka leeyahay ka dhigid.
tolid  eeg tol². ld tolniin.
tolla'aan  1. Qaraabo la'aan. 2. Kaalmo la'aan.
tolla'ay  Hayaay!, waawareey!, ciidamoow.
tolliimo  1. ld tolmo. 2. ld tolnimo.
tolmo  Tolidda wax la tolo. ld tolliimo, tolniin.
tolnaan  eeg tolan². ld tolnaansho.
tolnaansho  ld tolnaan.
tolniin  ld tolid; tolmo.
tolnimo  Tol ahaansho. ld tolliimo.
tolo  Laba wax oo kala go'an ama kala dillaacsan wax iskula qabsasho.
page : 45 of 60
<< < 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 > >>