Ereyga Maanta: hirqad
tolon  ld tolan¹.
toloobid  eeg tolow.
tolow  Qof tolkisii ka carooday tol kale ku biirid.
tolweyne  1. Tol badan intiisa curaddada ah. 2. Qabiilka oo dhan. 3. Dad isku dan, diin, iyo mabda'ah; qaran.
toman  ld toban.
too1  kuwo, w 1. Magacuyaal aan cayinnayn oo dhaddig ah oo cid ama wax maqan tilmaama. 2. ld mid. Tus. “Roob iyo barwaaqo toona ma arag”. Too2  Mgacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka hadlaya aad uga fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. toob1  Nooc ka mid ah cambuurrada dumarku qaataan. toob2  1. Oogada, inta la saro, toobin dhiig kaga keenid. 2. Soo jiidid, soo uruurin; soo yarayn. toobad  U noqosho Ilaahay addeciddiisa loo noqdo. ld tawbad.
toobadkeen1  1. T. ah: qof toobadkeenaya. 2. ld toobadkeenid. toobadkeen2  Ilaah addeeciddiisa u noqosho. toobadkeenid  eeg toobadkeen². ld toobadkeen¹ (2).
toobadla'aan  Ku sugnaanta lagu sugnaado cibaado la'aan.
toobalcaaro  Wax cid laga soo ergado.
tooban  Wax la toobay ahaansho.
toobboon  Wax habbon ahaansho.
toobboonaan  eeg toobboon. ld toobboonaansho.
toobboonaansho  ld toobboonaan.
toobe  Geed ka soo baxa jirrid dhulka hoostiisa ah, ka dibna bannaanka u soo baxa, isaga oo ka soo baxaya meel ka durugsan jirriddii hore. Waxa suurto gal ah inuu xidid la baxo oo uu geed goonniya noqdo.
toobid1  Qalab gees lo'aad ka sameysan. toobid2  eeg toob². toobin1  1. Gees ama qalab kale oo u eg oo oogada, inta la saro, dhiigga buka lagaga toobo, lagaga soo saaro. 2. Shaxan joomitiri oo leh qaabka koombada. toobin2  (daaw.) Koob ama gees go'an oo la kululeeyay marka lagu qabto jirka meel ka mid ah kaddibna soo dhuuqa dhiigga oo jirku soo fooco markaas la sarsaro maqaarka oo dhiig laga keeno, dhiigaas oo loo haysto mid faasid ah sidaasna lagu daaweysmayo. toobin3  (xis.) Adke salkiisu yahay xood sallax oo oodan, kuna dhammaada bar gees dibedda ka ah sallax saleedka. toobin4  1. (bot.) Botani ahaan: dhisme taran oo laga helo ubaxla'da dhexdooda iyo qaar ka mid ah betri dhoofaytayda, loona yaqaanno istaroobilas. 2. (c.nafl.) Dhinaca anatomiga xayawaanka: nooc unug qaabile ah oo xasaasi u ah ilayska, lagana helo ratiinaha lafdhabarleyda dhexdhiisa. toobiye  Jid toosan oo aan leexleexad lahayn; waddooyin meel wada taga tan ugu gaaban.
toobkac1  ld toobkicid. toobkac2  Cid dhibaato ka gudbin. toobke  Haruubgaal; gaawe. ld doobi.
page : 46 of 60
<< < 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 > >>