Ereyga Maanta: jaw
tooyo  Cid haybteeda weyddiin.
toqfal  Shaqfal.
toqli  Qof meel uu ka xanxantoonayo ka taabasho.
toqlin  eeg toqli. ld toqlis.
toqlis  ld toqlin.
toqlo  Xatxatada qofka jirkiisu dareemo.
toqloo  Toqlo dareemid.
toqlood  eeg toqloo.
torobosfeer  (juqr.) Lakabada hoose ee gibilka, sida kuwa ka hooseeya toraatosfeerka, kuwaasoo ka soocan torobosfeerka, wuxuu dherer ahaan fidsanyahay 11 Km ilaa oogada dhulka ee jiidda dhexdhexaadka ah.
tororog  Hadal badan oo aan macna lahayn.
tororoglee  Hadal badan oo aan macna lahayn sheegid.
tororogleyn  eeg tororoglee.
tortor1  1. Wax qurun ka batay darti, la googo'ay, la mataataxay. 2. ld tortorid. tortor2  Wax tortor ah noqosho. tortorid  eeg tortor². ld tortor¹ (2).
tow  ld teb.
towid  ld tebid.
towtow  War aan murti lahayn.
towxiid  ld tawxiid.
toxob  1. Cadad yaryar oo xalxalleefsan oo dusha iska saarsaaran oo kalluunka iyo haqa qaarkii dhawraarin ahaan, korka kaga rogan. 2. Dadka dubkiisa hollob ka kacda. 3. Lakab taxane ah oo xabagaysan: kaas oo daboola qaybta hawada u baxsan ee geedka. Waxa dhiijiya dubduleedka, shaqadeeda ugu muhiimsanina waxa weeye ka hortagga biyo lunka geedaha.
trobosfeer  ld torobosfeer.
tu  (kuwo, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo dhaddig ah oo cid ama wax maqan tilmaamaya; mid. Tus. “Tu wanaagsan baan ku toosay”.
tu'  1. Cudur xoolaha ku dhaca. 2. ld tuu.
tu'i  Awr fadhiisin. ld ju'i, tuji.
tu'in  eeg tu'i. ld ju'in, tu'is, tujin.
tu'is  ld tu'in.
tu'sasho  eeg tu'so.
tu'so  Awr fadhiisisasho.
tub1  Dhabbe; waddo. tub2  (c.fal.) Jidka ay maraan walxaha samaddu marka ay dulalaatiga dhex jiirayaan iyadoo loo fiirinayo bar la doortay. Tubta dhulku waa jidka uu maro dhulku marka uu ku meereysanayo qorraxda.
page : 50 of 60
<< < 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 > >>